Gaalkacyo oo lagu qabtay khamri tira badan iyo kooxdii dalka soo galisay

Reading Time: < 1 minute

Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Mudug ayaa sheegay in hawlgal qorshaysan oo ay xalay ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo ay ku qabteen khamri tira badan iyo kooxdii ka ganacsanayay.

Saraakiil ka tirsan Booliiska ayaa warbaahinta u sheegay in hawlgalka oo laga sameeyay Laanta 5-aad ee Xaafadda Yameyska Gaalkacyo ay ku qabteen 50 kartoon oo ay ku jiraan dhalooyin khamri ah iyo sidoo kale raggii watay Khamrigaas.

Saraakiisha ayaa tilmaamay in dhammaan xabsiga la dhigay kooxdii watay Khamriga oo hawlgalka lagu qabtay islamarkaana baaritaan lagu hayo si sharciga loo horgeeyo.. Sidoo kale waxay sheegeen in hawgalku sii socon doono inta Gobolka Mudug laga cirib-tirayo Khamriga iyo maandooriyaha.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!