Gaadiid iyo Wasiiro Ka Tirsan Maamul Goboledyo oo Manta Ku Xayiran Wadoyinka Laga Soo Galo Magaalada Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Waxaa maanta xaniban gaadiidka ka yimaada gobolka Shabeelle dhexe Sidda ay xaqiijiyeen dad Shacab ah oo ku xayiran wadda.

Sababta ugu weyn ayaa saraakiisha ciidanka dowladda ay ku sheegeen in ay jirto amaro kaasoo baxay dowlada Soomaaliya taasi oo keentay in maanta la xanibay isku socodka gadiidka ka baxa muqdisho ee aada shabeelle dhexe iyo kuwa ka yimaada.

Gaadiidleyda aya shegaya in Wasiirka Amniga iyo Taliyayasha Ciidanka ee kormero ka waday Isgoysyada Muqdisho in ay daraadood ku xayiran yihiin waxana gabi ahanba xiran wadoyinka so gala Muqdisho.

Gaadiidka halkaasi ku xaniban ayaa waxa ku jira kuwo ay la socdaan masuuliyiin ka tirsan maamulka hirshabelle oo uu badan xildhibaano sida ay noo sheegeen Saraakiil k tirsan dowladda Soomaaliya.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!