Gaadiid Dekada Muqdisho ka Xayiran mudo bil iyo Wasiir Oomaar oo awood u sheegtay Ganacsatada

Reading Time: < 1 minute

Sida MOL loo xaqiijiyay Dekeda Muqdisho Waxaa ku xayiran Gawaari ka badan 500 waxaa ay halkaas yaalaan Mudo 30 maalmood ah waxa ay bixiyeen canshuurta iyo lacagaha kale ee looga baahnaa

Ganacsatada leh gaadiidkaan oo kol hore suuq u heli lahaa ayaa si weeyn loogu adkeeyay in lasiiyo waxybaaha loo xayiray,waxaana arinkaan ay kala kulmeen Culeeys weeyn.

Waxaa haysta Taargo la,aan, Wasiirka Gaadiidka waxa uu qaab qaraabo kiil ah ku siisay Qandaraas ka sameynta Taargooyinka Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka ,waxaana Shirkada la siiyay ay awoodo la,dahay in ay sameyso Taargooyin

Ganacsatada ayaa waxaa ay sheegeen in ay dhwor jeer u tageen Wasiirka Gaadiidka Maxamed Cabdullaahi Oomaar hase’yeeshee aysan ka helin wax jawaab.

Waxaa ay carabka ku dhufteen in wasiir oomaar uu awood u sheegtay islamarkaana ay tani u ektahay anaa taliyo

Waxaa ceeb ah in Ganacsatada maalin waliba lagusoo rogo canshuur xad dhaaf ah sidaas oo ay tahayna ayna helin fududeeyn howlahooda ganacsiga

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!