Isbadalka ku yimid xaalada Magalaada Laascaanood iyo guud ahaan deeganada hoos yimaada SSC ayaa waxa muuqata inuu khal-khal siyaasadeed uu ka dhax abuuray siyaasadda iyo hogaanka Somaliland.
Xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa fadhi deg dega oo albaabadu u xiran yahay uga socdaa xarunta Baarlamaanka, waxaana laga saaray hoolka shaqaalihii iyo warbaahintii.
Inkasyaa oo hogaanka golaha uusan sheegin ajandaha ay kaga hadlayaan fadhigan albaabadu uxiran yahay balse waxaa loo badinayaa inay kaga hadlayaan xaalada Gobolka Sool oo todobaadyadii ugu dambeeyay ka taagan magaalada Laascanood.
Shalay ayay ahayd markii gudida amniga ee Golaha Wakiiladu sheegeen in aanu wasiirka arimaha gudaha Somaliland lawadaagin golaha xogta amniga ee xaalada Laascanood, taasi oo sharci ahaan ay tahay in golaha wakiiladu xogta amniga ee dalka ay xaq uleeyihiin in ay la socodsiiyo.