Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada maamulka Gobolka Hiiraan AHUN Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa ku geeriyooday Magaalada Muqdisho kaddib markii neefta ku dhigtay sida Mustaqbal ay u xaqiijiyeen xubno katirsan qoyskiisa.
Cabdiwali Sheekh Xuseen Cismaan oo la hadlay Mustaqbal ayaa sheegay in xanuun degdeg ah uu qabtay Aabihiis markii ay geeyeen mid kamid ah goobaha caafimaad ee u dhawaa uu geeriyooday Marxuumka.
“Aabe waxaa kusoo booday xannuun degdeg ah, neefta ayaa ku dhegtay waxa aan geynay Isbitaal, muddo kooban kaddib wuu sii darsaday ugu dambeyn waa uu geeriyooday AHUN” ayuu Cabdiwali Sheekh Xuseen
Sheekh Xuseen Cismaan Cali waxa uu xubin ka ahaa Baarlamaankii 8aad ee Soomaaliya, labo jeer ayuu soo noqday Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Hiiraan halka uu rajeynayay in uu xubin ka noqdo Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya.
Mas’uuliyiin katirsan DG Hir-Shabeelle & Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa ka tacsiyeeyay Geerida AHUN Sheekh Xuseen Cismaan Cali Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Hiiraan.