Furitaanka kalfadhiga sadaxaad ee labada Aqal oo la shaaciyay

Reading Time: < 1 minute

Guddoonka labada gole ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa go’aamiyay in Kalfadhiga 3-aad ee labada gole uu 29-ka furmo Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu furo Kal-fadhiga 3aad ee Baarlamaanka labada Aqal, isaga oo halkaasi ka jeedin doono khudbaddiisa Dastuuriga ah.

Xildhibaannada labada Aqal oo weli fasaxooda kujira ayaa waxaa horyaalla Shaqooyin waaweyn iyo Ajandayaal dhowr ah, iyada oo la filayo in Baarlamaanka Soomaaliya uu galo mowjado siyaasadeed oo aad u waaweyn.