Francisco Madeira oo Qeexay Cida Amarka Ku Siisay in Amisom Ay la Wareegaan Xarunta Golaha Shacabka

Reading Time: < 1 minute

Ambassador Francisco Madeira Wakiilka Midowga Afrika u jooga Somalia, hna Madaxa Hawlgalka AMISOM waxa uu faahfaahiyey sababaha ay Ciiddanka AMISOM ula wareegeen Dhismaha Barlamaanka Federalka, wuxuuna xusay inuu amarkaasi ka helay Madaxdiisa Sare ee AU-da ee ku sugan magaalladda Addis Abeba.

Waxa uu intaasi ku daray in isaga la faray inuu Ciiddanka Ammaanka DFS taageero ka siiyaan Xoojinta Ammaanka Hay’addaha Qaranka Somalia oo uu Dhismaha Barlamaanka ka mid yahay.

Dhinaca kale, waxa uu ugu baaqay Xildhibaanadda Soomaalida inay sii wadaan dadaalkooda ku aadan sidii loo xalin lahaa Khilaafkooda, maadaama ay yihiin Wakiiladda Shacabka.

Wakiilka Midowga Afrika u jooga Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Ambassador Francisco Madeira waxa uu War Sxaafadeedkiisa ku muujiyey in Xildhibaanadda u kala qeybsameen 2 dhinac, ila markaana la wajahayo Xaallad Siyaasadeed cakiran