Fowdo Iyo Caga-jugleeyn ka Bilaabatay Xarunta Nisa+Saraakiil Cabasho Ka Muujiyay

Reading Time: < 1 minute

Markii la magacaabay taliyaha Hay’adda Nabad sugida Ilaa iyo hadda waxaa gaabis galay Howlahii shaqadda Laga Sugaayay in uu kor u qaado,waxaa kasii daran in uu ka Bixi la’yahay safaro joogto waxuuna imanka ku sugan yahay Mgaaalada Nairobi ee dalka Kenya

Taliyaha NISA kadib Markii uu u baxay dalka waxaa foowdo ka bilaabay hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ninka lagu magacaabo Abdullahi Adan Kulane, oo si sharci darro iyo fowdo ah ku sheegtay xilka kusimaha taliyaha NISA iyadoo uu dalka kusugnayahay taliye ku xigeenka hay’adda Nabadsugidda Col. Abdulkadir Mohamed Nur(Jamac) oo ah taliye kuxigeenka kaliya ee hada dalka kusugan.

Madaxa xafiiska taliyaha hay’dda Nabadsugidda oo sharci ahaan markii la eego aanan wax shaqo ah ku lahayn xilka kusimaha hay’adda Nabadsugidda ee uu sheeganayo iyadoo ay joogaan ku xigeenada taliyaha ayaa waxaa la keenay xafiiska markii dhawaan lasoo magacaabay taliyaha hay’adda Nabadsugidda.

Shaqsigaan iminka fowdada iyo awood sheegashada ka dhex bilaabay hay’adda ayaa waxa ay qaraabo yihiin madaxweynaha Somalia Maxamed C/Laahi Farmaajo,waana shaqsi aanan wax shaqo ama aqoon ah u lahayn arrimo la xiriira ciidan oo dhawaan qurbaha ka yimaaday kadib markii uu u,yeeray madaxweyne Farmaajo isla markaana xilkaan u balanqaaday.

Cabdullaahi Aadan Kulane ayaa sidoo kale is hortaag ku sameeyay in la shaabadeeyo warqad uu ku saxiixnaa Col. Abdulkadir Mohamed Nur(Jamac) oo ah taliye kuxigeenka hay’adda, arrintaas oo ah ku tumasho lagu sameeyay sharciga dalka in madax xafiiseed uu sheegto xilka ku sime taliye iyo inuu ishortaago warqad uu ku saxiisanyahay taliye kuxigeen.

Xarunta Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Waxaa Imanka ka taagan Arintaan oo ay si weeyn ugu Caroodeen Saraakiisha Nisa Qaarkood