Fly Dubia oo maanta dib u bilawday duulimaadyadii Somaliland

Reading Time: < 1 minute

Diyaaradda Fyl Dubia ayaa maanta dib u bilowday duulimaadyadii ay ku iman jirtay Somaliland, ka dib muddo sannad ka badan oo ay xayiraad saartay xukuumada Muuse Biixi Hogaamiyo. Saaka ayay rakaabkii ugu horeeyay ka qaaday garoonka diyaaradaha caasimada Hargaysa. 

Diyaaraddan, oo dhawaan ay Xukuumaddu ka qaaday xayiraadii saarnayd, ayaa soo laabashadeeda waxa soo dhawaayey bulshada Somaliland, gaar ahaan qurbo jooga iyo ganacstada oo muddadii la joojiyey duulimaadyadeeda kala kulmi jiray dhibaatooyin kala duwan oo ay ka mid tahay dhinaca qiimaha lagu raaco diyaaraddaha kale ee dalka yimaada. Xayiraadii la saaray diyaaradan ayay dadka qaar aaminsanyihiin in xayiraadeedu la xidhiidhay arimo siyaasadeed.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!