Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Golaha shacabka Somalia ayaa ka hadlay in dowlada Federaalka ah ee Somalia ay ka hortagtay MusuqMaasuqii ka dhextaagna xarumaha dowlada.
Xildhibaan Fiqi waxa uu sheegay in Musuqmaasuq uu hadda bilow ka yahay Somalia, waxa uuna cadeeyay in Hantida Qaranka lagu kala iibsanaayo suuqyada magaalada Muqdisho.
Waxa uu sheegay in goobaha wax lagu kala iibsado xiliyada qaar aad ku arkeysid Hantida Qaranka, waxa uuna cod dheer ku sheegay musuqa ceynkaa ah ay mas’uul ka yihiin mas’uuliyiin ka tirsan dowlada.
Hantida Qaranka ee lagu kala iibsanaayo Suuqyada ayuu sheegay inay u hayaan cadeymo rasmi ah, wuxuuna ku baaqay in la xafido Hantida shacabka.
Waxa uu dusha ka saaray mas’uuliyada musuqa madaxda dowlada maadaama aysan u diyaarsaneyn inay ka hortagaan, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale, Fiqi waxa uu cadeeyay inay jiraan mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada oo guryo waaweyn ka dhistay nHantida Qaranka, halka xarumihii Wasaaradaha ay yihiin kuwo burbursan.
Haddalka xildhibanka ayaa imaanaya iyadoo maalin un ka hor uu Ra’isul wasaare Kheyre sheegay in Xukuumadiisa ay ciribtirtay waxa loogu yeero musuqa.