Fiqi, Fulaynimo iyo cunsurunimo ka weyn ma jirto in Xasan Khayre

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa weerar afka ah ku qaaday Ra’iisul wasaaraha XFS, mudane Xasan Cali Khayre, kadib markii Ibraahim Xasan Cawaale oo ahaa musharrax xildhibaan Galmudug uu sheegay in tartanka looga reebay Sawir uu la galay Fiqi.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayuu xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ku sheegay in fulaynimo iyo cunsurunimo ka weyn aysan jirin in Ra’iisul wasaaruhu wiil dhallinyaro ah, misana aqoon leh xildhibaanimadiisii uga hor istaago Sawir uu ila galay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Ibraahim uusan u laheyn wax aqoon ah, islamarkaana ay si kadis ah ugu kulmeen munaasabad, kadibna aysan markale is arkin.

Xildhibaan Fiqi ayaa sidoo kale xusay in tani ay muujineyso in Ra’iisul wasaare  Xasan Cali Khayre iyo taageerayaashiisuaysan weli qaangaarin, siyaasaddana ay ka barteen qeybta naca iyo aargoosiga, sida uu hadalka u dhigay.

Halkan hoose ka aqriso:

Fulaynimo iyo cunsurunimo ka weyn ma jirto in Xasan Khayre uu wiil dhallinyaro ah oo aqoonyahan ah xildhibaanimadiisii uga hor istaago sawir uu ila galey!

Mr. Ibrahim sida uu sheegey asaguba si kadis ah ayaan munaasabad ugu kulannay, aqoon uma lihi, markaas ka dibna isma aynaan arag, arrintiisana waxaa iigu horaysay marka uu asagu soo qorey, qisada Ibraahim waxey muujinaysaa In Khayre iyo taageerayaashiisu aysan weli qaangaarin, siyaasaddana ay ka barteen qeybta naca iyo aargoosiga.

Arrinta Ibraahim waxey banaanka soo dhigtey In dalkan uu gacanta ugu jiro shakhsiyaad cuqdadi ay ragaadisay, qof nool iyo sawir la galey intaba ka cuqdadaysan, dhaqamo xun xun oo ay siyaasadda ku soo biiriyeen oo lala yaabanaa waxey ku soo khatimeen In sawirada la galo la isku ciqaabo, waxey ila tahey In qofka ugu badan oo kaamarooyin wax ku sawira mugdiga iyo iftiinba kiraystey uu yahey Khayre, ayna noqonayso In sawiradiisa dadkii badnaa ee la galey ay iska masixi doonaan!!