Fiona Lorton Waa Cadowga Somaliya ee loo wado ATMIS waa in la siiyaa PNG.

Reading Time: 2 minutes

Soomaaliya waxay u soo jeesatay inay danaheeda difacato heer kasta siyaasiyan iyo milateri ahaaan. Dagaalka gudaha lagula jiro shabaab waxaa uu muraayada u yahay dagaalka iyo difaacadda dibadda, waxaana shacab iyo dowlad iskula  socon karaan oo kaliya difaaca danaha guud ee dalka.

Xog aynu ka heleyno AU ayaa sheegeysa in Amb.Bankole Adeoyo uu rabo inuu sanka Somaliya ka geliyo naag dembiyada hoos Texan ka gashay Somaliya inuu ATMIS ku xigeen uga dhigo taas oo ah dhagar Somaliya laga galayo oo uu qeyb ka noqonayo haddii aanu ka fiirsan.

Fiona Lortan waxay ahayd caqabadda ugu weyn ee ka horjoogtay ATIS(AMISOM) ina dagaaladda kala qeybgalaan ciidanka SNA, waxayna weligeed ka soo horjeedday inay Somaliya ay cagaheeda isku taagto oo aysan maranaba ka hoos bixin ATMIS (AMISOM).

Fiona waxyaabaha xanuunka leh ee lagu xusuusto oo hagardaamada waxaa ka mid ah:

1.     Waxay toos uga soo horjeedday inay dalka doorasho ka dhacdo waxayna xoog uga shaqeysay inaan la suuragelinin inay doorasho dhacdo.

2.     Waxay diiday in ciidanka AMTIS(AMISOM), u gurmadaan dagaalkii Hiiran ee Macawisley.

3.     Waxay ka shaqeysay inaan loo gurman Macawisleydey shabeellada dhexe ee uu hogaaminayey halyey Hibad Cali Dasar Rabbi ha u naxariistee.

Fiona waxaa la amisan yahay in sababta loo soo celinayaa ay atahay in lagu lugooyo dagaalka Shabaab lagu la jiro, qabatana shaqooyin ay ka xishoodeen rag kale.

Haddaba Bankole Adeoyo waxan la socosiineynaa inuusan marnaba ku soo celin Karin hawl Somaliya la xiriirta ee ay ATMIS qabaneysa Fiona Lortan, waa haddiii uusan hagardaamada qeyb ka ahayn oo uusan rabin qof u fulisa shaqo wasakheed (dirty Job), musuqmaasuq iyo Laalushka ay caanka ku noqotay.

Haddii uu Bankole Adeoyo ku dhaqaaqo inuu Fiona ku soo celiyo  K/Xigeenka ATMIS, dowladda MW Xasan Sheekh Maxamed iyo RW Xamza waa inay u jaraan Fiona PNG oo dalka ka eryaan, Amb. Bankole Adeoyo ay diginin siiyaan. Haddii dowladda taas sameyweydo shacbiga waa inay dowlada kula xisaabtamaan xil gudasho la’aan iyo ka cabsiga adeegsiga awoodda dowliga ah ee ay hasato.