Filim laga sameeyay gabar Soomaali ah  (Ifrax) oo la soo bandhigay

Reading Time: < 1 minute

Filimka laga sameeyay gabar Soomaali ah ayaa loogu magac daray “gabadhii ka timid Muqadisho”, _Waxaa uu sameeyay ninka lagu magacaabo Mary McGuckian, ayaa ah mid dhiirigelin leh kuna salaysan nolosha cajiibka ah ee Ifraax Axmed, oo ah qaxooti Soomaaliyeed, taasoo maanta ka mid ah dadka u ololeeya adduunka ugu horreeya ee la dagaallanka xadgudubyada ku saleysan jinsiga.

Filimku waxa uu soo bandhigaya nolosheeda qalafsan, laga soo bilaabo dhallintii dhibaatadu soo gaartay ee dagaaladu aafeeyeen ee Soomaaliya, si ay uga soo baxsato kharata ka jirtay dalka   Soomaaliya ayaa  Ifrax oo ay la socoto tahriibiyaal  ay timkid dalka  Ireland, waxa ayna halkaas ka dalbatay qaxootinimo.

Filimka waxaa lagu arkayaa iyada oo ka qayb galeysa shirarka, la falgalka wasiirada dalka Irishka, oo la hadlaysa EU iyo UN. Dagaalkeeda ugu weyn waa uu ahaa  gudniinka fircooniga ah (FGM), oo Ifrax lafteeda lagu sameeyay.

Ifrah waqtiyada ay ku faanto waa marka firfircoonideeda ay gacan ka geysato in Ireland ay soo saarto sharci lagu baabi’inayo gudniinka Fircooniga ah, iyo marka ay ku hadasho magaca Xubnaha Irland inta lagu guda jiro ansixinta Heshiiska Qaramada Midoobay ee ka dhanka ah gudniinka Fircooniga ah ee Baarlamaanka Yurub.

Filimkan ayaa lagu soo bandhigay  meelo kala duwan oo caalamka ah. Waxay ku guulaysatay abaalmarinta Cinema ee Nabadda ee Awood-siinta Haweenka ee Bandhigga Filimada Berlin 2020; Abaalmarinta Dhageystaha Cinema Adduunka ee Bandhigga Filimka Mill Valley; iyo Abaalmarinta Dhagaystaha iyo Abaalmarinta Xeerbeegtida ee Semaine de Cinema Britannique.