Feysal C/Waraabe oo u-goodiyay & digniina u diray Golaha Amaanka?

Reading Time: < 1 minute

Gudoomiyaha Xisbiga Faysal Cali Waraabe ayaa Digniin u diray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, digniinta Faysal ayaa ku saabsan cuna qabataynta hubka ka saran Somaliya.

“Digniin ku socota Golaha Amaanka”

Qaadista Cunaqabataynta Hubka ee Soomaaliya waa khalad weyn, waxay keenaysaa waxyeello ka badan tan. Durba maamul goboleedyada ku dhisan qabyaalada ayaa sii kala jabaya, waxaana durbaba ka bilowday isqabqabsiga beelaha 5-ta dowlad goboleed marka laga reebo Gal-mudug.”ayuu yidhi Faysal.

Digniinta Faysal ayaa ku soo beegmaysa xili uu madaxwaynaha Somaliya uu ku suganyahay dalka Maraykanka, Socdaalkiisuna daaranyahay sidii uu qaramada midaabay iyo dawlada Maraykanka uu ugala hadli lahaa sidii cunaqabataynta hubka looga qaadi lahaa Somaliya.