Xisbiga UCID ee Somaliland ayaa soo dhaweeyey xabadjoojintii Somaliland kudhawaaqday, taas oo lasheegay in ay ahayd Talada Faysal Cali Waraabe-Gudoomiyaha Xisbiga.
Bayaan kasoo baxay Xisbiga UCID ayaa lagu sheegay in uu ka digayo ficilo qabyaaladeed oo xaalada hurinaya, waxaana kale oo xisbigu sheegay in ay jiraan dhinacyo Shisheeye oo faragalinaya xaaladda Laascaanood.
“ Xisbiga UCID waxa uu madaxweynaha ugu baaqayaa in uu sida ugu dhakhsaha badan u qabto doorashada madaxtooyada si xal looga gaadho khilaafka siyaasadeed ee curyaamiyay siyaasadda, dhaqaalaha iyo wadajirka Shacabka Somaliland” ayaa lagu yiri Bayaan xisbigu soo saaray.
Isimadda SSC ayuu ugu baaqay xisbigu in ay iyana xabadjoojin ku dhawaaqan.