Feysal Abuukar Cabdiraxmaan oo lagu dilay Degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe

Reading Time: < 1 minute

Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in halkaas lagu dilay Wiil dhalinyaro ah.

Wiilka dhalinyarada ah waxaa lagu dilay halka loo yaqaano Haansheekh oo waxyar u jirta degmada Balcad una dhow degaanka Gololeey,waxaana fariisin ku leh ciidamo ka tirsan Burundi ee AMISOM iyo Millateriga Soomaaliya

Wiilka waxaa lagu Magacaabi jiray Feysal Abuukar Cabdiraxmaan waxaana uu wadan jiray Mootada loo yaqaano dhugdhugleyda ee labada lug leh oo uu ugu adeegi jiray ciidamada Amisom iyo millateriga oo ay uga dirsan jireen waxa ay uga baahdaan gudaha degmada Balcad

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in uu dilka ka dambeeyey askari ka tirsan ciidanka dowladda oo ay murmeen.

Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe weli dhankooda kama hadlin wiilkaas dhalinyarada ahaa ee lagu dilayegmada Balcad.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!