Feeysal cali waraabe oo si aan laga fileeyn uga hadlay uga hadlay xariga Muqtaar Rooboow

Reading Time: < 1 minute

Gudoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay xiisada ka dhalatay soo xiritaankii Mukhtaar Rooboow, waxa uuna ku baaqay in lasii daayo.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in sharciga ay baalmarsantahay xariga la xiray Mukhtaar Rooboow, waxa uuna carabka ku dhuftay in loo baahanyahay in sharciga la dhowro, oo loo wada sinaado.

Waxa uu sheegay in uu xiranyahay maxkamad isaga oo aan la marsiin, taasi oo uu ku sheegay in ay tahay gef weyn oo ay dowladda federaalka Soomaaliya ka gashay sareynta sharciga.

Gudoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa ugu dambeyntii dowladda federaalka ee Soomaaliya ugu baaqay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay usii daayaan Rooboow.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!