Faysal Cali Waraabe iyo Cumar Cabdirashiid oo kulan ku qaatay Nairobi

Reading Time: < 1 minute

Waxaa xalay ka dhacay hotelka Norfolk  ee magaalada Nairobi  kulan albaabada u xirnaa oo dhex maray Gudoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Ra’iisal Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid.

Kulanka ayaa looga hadlay xaalada cakiran ee ka jirta dalka Soomaaliya iyo  sidoo xal loogu heli lahaa khilaafaadka siyaasadeed ee u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland.

Cumar Cabdirashiid iyo Faysal ayaa isla qiray in Soomaaliya u baahan yahay isbadal deg deg ah si looga baxo dareenka colaadeed ee jira, waxna laga barto taariikhdii laga dhexlay kaligii taliyihii Maxamed Siyad Barre. Faysal ayaa sheegay in geeska africa u baahan yahay hogaamin ka tarjumaysa xaqiiqda ka jirta mandiqada.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!