Faysal Cali Waraabe “Axmed Madoobe Caleemo Saarkiisa Waan Tagayaa”

Faysal Cali Waraabe Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID ee Somaliland oo ku sugan shirka golaha dhexe ee xisbigaasi ee Burco, ayaa shegay in uu ka qeyb-galayo caleema-saarka Jubbaland, haddii nabadgelyadu wanaagsanaato.

Waxaa uu sheegay in uu taageersan yahay shaqadda uu waddo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo khilaaf xooggan uu kala dhaxeeyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

“Soomaaliya innaga ayey ina sugeysaa, qorasheheenana waa kujirtay, hadana waxaan gacan ka gaysaneynaa in aan dagaal sokeeye ka dhicin, waayo waxaan socdaa maahan wax loo dulqaadan karo, Baydhabo wixii ka dhacay waad aragteen, anigu ma jecli in shan qabiil loo qeybiyo (dowlad-goboleedyada), mar haddiise ay ku heshiiyeen waxay xaq u leeyihiin in aan lagu fara-gelin” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Waxaa uu sidoo kale hadalkiisa intaasi ku siidaray “Axmed Madoobe waan Tahniyadeynayaa, waliba haddii nabaddu ay fiican tahay waan tegayaa caleema-saarkiisa, oo ka qeyb-galayaa in shaa Allaah”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here