Guddoomiyaha Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka Somaliland Ee ucid Faysal Cali Waraabe isaga oo ku sugan magalada Haygeysa ku edeeyay boqor Burhaan inuu dabadda ka riixayo durbaan qabyaaladeed oo laga soo abaabulayo magaaladda garoowe ee xarunta maamulka puntland.
Faysal cali waraabe oo ay ka muuqato dareen culus ayaa boqorka ugu baaqay inuu ka waantoobo durbaanka qabyaaladda ee ka waddo goboladda bariga,waxaana sheegay in loo baahan yahay in laga shaqeeyo nabadda iyo isku xidhnaanta bulshadda. “Ninka layiraahdo boqor burhaan Ilaahay ayaa boqoree waxa uu wadda durbaan qabiili ah oo khatar ku ah Somali oo dhan, waxaanan leenahay halaga waantoobo durbaankaasi qabiiliga ah oo waddanka yaan lagu celin 1991kii ,waxaanan leenahay dhalinyaradda lagu soo uruuriyay muqdisho ee caqligoodu yahay aynu aarsano ee leh aynu soo celino caqligii reer hebel waxaanu leenahay waxaasi socon mayso”. Gudmooye Faysal sidaas ayaa uu yidhi isaga oo la hadlay Eryal Tv.
Boqorka burhaam oo ka tirsan madax dhaqameedka maamulka puntland ahna boqorka beelaha daarood ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaaladda taleex ee Somaliland,waxaana uu mar uu la hadlayay warbaahinta boqorku sheegay in maamulka puntland ay taleex u maga