Wararka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ee ku adan fatahaadii uu geystay wabiga Shabeelle aya ku waramaya in uu geystay dhibaatooyin kala duwan oo isugu jira dhimasho, barakac hor leh.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in lix ruux oo isku qoys ah ay ku dhinteen fatahaada.
“Lix ruux oo isku qoys ahaa oo baabuur saarnaa waxaa ku dumay boosaneer, ayaga iyo baabuurkii ay wateen meeshaas ayay ku aasmeen”ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.
Waxa uu Xildhibaanku sheegay in dhibaatooyinka uu sababay fatahaada ay sii kordheyso, isagoo xusay in ka badna boqol kun oo ruux ay ku barakaceen, kuwaasoo habeen labaad ku hoyday meel banaanka ka ah magaalada oo ay u dheer tahay dhaxan iyo cad ceeda.