Fatahaad cusub oo ka bilaabatay qaybo kamida degmada Jowhar

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaarayo Jowhar, Webiga Shabeelle ayaa fatahaad ku sameeyey tuulada Boodaale oo ka mid ah tuulooyinka hoos yimaada Magaalada Jowhar ee Caasimada dowlad Goboleedka Hirshabeelle, waxaana laga helayaa faah faahino.

Sida ay goobjoogayaal xaqiijiyeen Fatahaadaan cusub ee Webiga ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho, dhaawac iyo mid hantiyadeed, waxaana la xaqiijiyay in laba Carruur ah oo biyaha ay qaadeen uu mid kamid ah meydkiisa baadi goob weli loogu jiro.

Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo waraabka Hirshabeelle Maxamed Cumar oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in xaalada webiga xiligan ay tahay mid cabsi weyn ay ka qabaan, maadama biyihii ugu badnaa uu wado webigu suuro-galna ay tahay in deegaano hor leh looga barakaco.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!