Sida ku cad Distuurka KGM ah dalka qodobka 87aad Waajibaadka iyo sifooyinka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka waxaa ka mid ah:
Laakiin waxaa muuqata inuu MW Farmajo ku fashilmay qododbkan distuuriga ha oo wax waliba qar ka sii dhacayaan. Waxaad si deggan u eegtaa arrimahan adiga oo ogsoon inuuwaajib qaran ku saaran yahay:
Haddaba dhamaan xaaladaha kor ku xusan waxay mid walibaleedahay culeys weyn oo intiisa la eg oo xataa mid kamid ah uusan dalka u adkeysan Karin xelligaan. waana dib u dhacweyn oo haddii aan hadda la horjoogsan ka dari doona.
Haddii aad taariikhda dib u raacdo maalinba maalinta ka dameysa dalka wax badan baa ka sii xumaanayey intii uujoogay MW Framjo, waxaana ay dadku ka qabeen rajo ah inay wax isbadali doonaan oo aad ayaa loogu hanweynaa.Waxaana la hubaa inuu hadda ka sii dari doonto xaaladdadalka oo xataa ay ku dhowdahay in Maamul Goboleed walbauu maro waddada Somaliland haddaan hadda wax laga qabanama ay ka qarxaan dagallo sokeeye sida sida Jubbaland.
Xogta waxay leeyahay Farmajo iyo Kheyre waxay ka shaqeynayaan in loo kordhiyo mudada oo laba sano loogudaro, inkastoo ay is khiyaanayaan labadooda oo Farmajo uurabo in isaga iyo Barlamanka loo wada kordhiyo laba sano ooka bilaabaneyso Febraayo 2021, kheyrana uu rabo in Barlamanka loo kordhiyo laba sano laakiin ay madaxweyne cusub doortaan si uu isu soo sharaxo.
Shacbiga oo in muddo ahba taagersanaa Xukuumaddaan Farmajo waxaa hadda u muuqata in maalin kale oo ay siijoogaan Farmajo iyo Kheyre la sii galayo dhibaato culus oo ay adag tahay in dalka hadhow laga samata bixiyo.
Maanta in Farmajo iyo Kheyre oo Fahad oo iska hormariyey maya la yiraahdo waa fududahay laakiin waxaa loo tagayaamaalin aan maya la oran Karin oo awoodda oo dhan ay gacmahooda ku ururto.
Dowlad Goboleedka Puntland;
Iyadoo dowladda Puntland ee MW Siciid Cabdullahi Dani ay curdun tahay ayey haddana waxay muddo toddo baad ah u dulqaadatay inay duljoogaan marti aad u culus, u camal xun, u tira adan una tayayar. Dadka reer Puntland iyo madaxdooda waxay shacbiga Somaliyeed ka mudna yihiin amaan iyo ducomaadaama ay aad uga shaqeeyeen in la is afgarto oo danaha shakhsiyadeed laga horamariyo kuwa ka mudan ee dalka.
MW Deni iyo dhammaan madaxda Puntland oo isimo iyo xildhibaannaba leh waxay shirkaan ku bixiyeen dhaqaalexoog leh, waqti aad u badan iyo dadaal ah inuu wanaag iyoheshiis ku dhamaado.
Madaxda Puntland waxay gogoshaan dhigeen Marso20keedii waa looga baxay, haddana kama daaline waxay dib u dhigeen horraanta May waana ka soo baxeen doorkoodii, hasayeeshee madaxda qaranka ayaa waxay mar waliba ku dheggenaayeen in iyaga loo yeelo sidii ay ku sii joogilahaayeen, waqtigana loogu kordhin lahaa haddii aan taas loo yeelinna aan waxba soconeyn.
Isku soo duub shacbiga Somaliyeed ee rajada ka qabay MW Farmajo iyo RW Kheyre maanta waxaa u caddaatay inayyihiin shakhsiyaad daneynstayaal ah oo raba inay dalkaan boobaan una maraan waddo kasto oo ay ku gaari karaan.
Waxaad si caadifadi ka dheer tahay u dhageystaa MW Axmed Madoobe oo si fiican xaalka uga warbixiyey sheegayna xaaladda uu dalku ku sugan yahay iyo sida aysan uf ahamsaneyn madaxda hadda na hogaamisaa.