Fashilka Laamaha Amaanka oo Aan Waxba Iska Badalin Tan iyo Imaatinka Madaxweyne Farmaajo

Reading Time: < 1 minute

Waxa guud ahan fashilmay lamaha amanka ee dalka kuwaasi oo gabay shaqadoodi aheyd in ay sugaan amanka Dalka iyago gabay howlihii ay ka sugayeen Shacabka soomaaliyeed.

Dowlada Madaxweyne Farmaajo aya ku caan baxday Fudeedka iyado arintaasi ay sababtay in Shaqsiyaad an aqoon u laheyn Shaqada amaanka uu u magacaabo laamaha amanka Dalka.

Hal sano ayaa kasoo wareegtay Markii Madaxweyne Farmaajo uu magacaabay Taliyeyaashii Ciidamada.
Madaxweyne Farmaajo ayaa halmar magacaabay C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe taliyaha NISA Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Taabid Cabdi, Taliyihii Ciidanka xoogga Jen, Axmed Maxamed Jimcaale Cirfiid , Taliyihii ciidanka Booliska Jen. C/xakiin Daahir Saciid Saacid iyo Taliyihii ciidamada Asluubta Xasan Xuseen.

Dad badan ayaa Su’aallo ka keenay Sababta Keentay Mas’uuliyiintaasi xilalkooda waayaan, iyagoo shaqeyn Hal sano.
Waxa shaki ku jirin in nin jecleysi lagu so xulo shaqsiyaadka qabta xilalka laamaha amaanka ee dalka,kuwaasi oo sababa in ay ku fashilmaan shaqadii qaabka nin jecleysi logu magacaabay.