Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa isugu dartay shacabka muqdisho laba arrin oo mid walbo saamenteeda leh .
1 . Amniga Muqdsiho oo faraha kabaxay Alshabaab oo geesaneysa Dilal qorsheysan , Kharaxyo iyo weeraro toos ah , Mar aan wax ka waydiinay qubarada ku taqasusay Arrimaha amniga ayaa sheegay in aan Amni lagu sugi karin jidad la xiro Ciidan muuqdo dhoolotus jidadka losoo istaajiyo , ee loobahan yahay qorsho cad kaaso lajaan qaadi kara baahida jirta.
Dhaliisha muuqata ee kaliftay Fashilka Amniga ayaa lagu micneeyay, nidaamka qaloocan ee lagu hogaaminayo Hey’adaha amniga hadii ay ahaan leheed Ciidanka oo laqabiileeyay, Hey’adii Sirdoonka Qaranka oo burburtay kadib markii Dhamaan ciidankii qarsoona xogtooda loodusiyay cadowga isla markaasna ay taalo baraha bulshada, Ciidamadii Qaranka oo loo adeegsaday arrima siyaasadeed taaso keentay in kalsoonida shacabka ayku qabeen ay burburtay, iyadoo dadkii deegaanka Muqdisho oo u arka ciidamada dowlada kuwo iyaga in lagu qabsado loosameestay markii wiilashoodii laga dhigay mid la fikir ahaan loo qaldo , mid qabiil lagu tilmaamo oo xuquuqdiisa labaneesto & mid ladilo. sababahaas iyo kuwo kale oo badan ayaa keenaya in ay ku fashilantay Dowlada uu hogaamiyo farmaajo in ay wax ka qabato Amniga caasimada. waxaana u danbeeyay in Maxaabiis xiran loodusiyo hub ay ku dagalamaan taaso muujineyso Ciidanka dhaxdiisa in aykala qeybsan yihiin isla markaasna ay jirto qeyb kamid ah ciidanka ineey raali ka yihiin amni darada waxaana saldhig u ah hoggaaminta Hey’adaha Amniga & siyaasada lagu maamulayo oo qaldan .
2. Xirnaanshaha jidadka ayaa ah kuwa ugu saameenta badan dalka waxaa sare u kacay khiimaha gaadiidka dadweynaha , waxaa shaqo la’aan noqday gadiid PL ka inta badan maadama jidadka badan aan lo ogoleen marista jidadka , waxaa sare u kacay gadiidka bajaajka qiimaha lagu raaco taaso mararka qaar qiimaha gaara mid aaysan bixi karin dadka danyarta ah, waxaa sido kale sare u kacay kala iibsiga badeecada suuqa maadama ay kooban tahay gaadiidka kasoo baxa dakada maadama mararka qaar badeeco ku jirta dakada sido kale suuqana gabaabsi ka ah in dakada laga soo bixiyo lana soo marsiiyo jidadka muqdisho ay qaadato kudhawaad isbuc taaso sare u kicisa sicirka badeecada,
waxaa sido kale sare u kacay dadka daawooyinka si joogtada u isticmaala maadama uu cariiri wayn soo wajahay isu socodka dadka & badeecada , Markii hore loo gadi jiray cirbada Ansulinta dadka sonkorta qaba qiimaha hore wuxuu ahaa 2 dolar halka hada uu maraayo 8 ilaa 6 dolar .
Suaasha dad weynaha iswaydiiyaan markii qaraxyo & dilal qorsheysan uu dhaco aya ah hadii dowladii sugi waysay amniga maxeey jidadka u xiran yihin oo dadka loocadaabayaa hadeeyba hureeynin qarax?
waa hadal gar ah balse aysan jirin Dowlad loogarnaqsado , maadama aysan jirin isla xisaabtan tacadiyada dhacayaa , Dowladii uu hogaaminayay Madaxweyne Hassan shiekh waxaa la xasuusta hadii fashil amni yimaado masuuliyada waxaa qaadi jiray lagulana xisaabtami jiray cida ku magacaban .
Balse Madaxweyne Farmaajo cid uu ula xisaabtamay majiraan qaraxii 14 Octobar oo ay ku dhinteen kun qof .
waxaa la isbarbar dhigay labada Madaxweyne midna ayka muuqatay dadaal & walwal xoogan uuka qabo amni darada jirta . midka hada joogana iska daay inuu ka walwalee xitaa dadka ku dhinta kama tacsiyeeyo cid uu la xisaabtamana warkeeda hasheegin.
Soomaalida ayaa ku qeexan Madaxweyne Farmaajo shaqsi ciil u qabaa Qowmiyada Hawiye sidaasi darteedna uu raali ka yahay ama uu wax kasoo abaabulo gumaatka ay alshabaab u geestay dadka rayidka ee ku dhaqan muqdisho. arrintaas oo salka ku heesa dagaalkii sokeeye ee dalka ka dhacay , waxaa wax lalayaabo ah in Masuuliyada uu haayo iyo caqli uu ku shaqeeyo aysan aheyn wax isku dhigma.