Fashil xoogan oo ku yimid soo xulista Xildhibaanada Galmudug iyo xaalada oo cakiran

Reading Time: < 1 minute

Weli waxaa caqabado ay horyaallaan Xuslita Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka Galmudug oo wajiyo dhowr ah soo marey, waxaana ilaa iyo hadda aan si rasmi ah loo soo xulin Baarlamaanka Cusub ee Galmudug marka laga reebo Xildhibaannada la siiyay Ahlusunna.

Maanta oo ah 30ka Bisha December ayaa waxaa ay ku beegan tahay Maalinta Guddiga doorashada Galmudug ay u asteeyeen in lagu dhawaaqo Xildhibaannada Cusub ee Galmudug, hayeeshee ay u muuqato in ay dib u dhacayaan xilliyada loo asteeyey xulista Xildhibaannada iyo doorashada hoggaanka Sare ee Galmudug.

Guddiga farsamada iyo dhismaha Galmudug ayaa horey waxaa ay u soo saareen jadwalka doorashada Galmudug iyo xulista xildhibaannada balse uusan dhaqan gelin, hayeeshee ay mid kale soo saareen kaas  oo u muuqda mid aan weli dhaqan gelin.

Doorashada Madaxweynaha Cusub ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa lagu wadaa inay dhacdo 9-ka Bisha koowaad ee sanadka Cusub ee 2020-ka, balse Doorashada ayaa u muuqan mid ku dhici karta waqtigii loogu talagalay.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!