Fartaag “Kenya waxa ay ka faaiideysaneysaa isku haleynta Dowladda iyo Jubbaland ”

Reading Time: < 1 minute

Senotar C/llalahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo Kenya ku eedeeyey in soohdinta ay marineyso Gedo ay kula soo simeyso Badda ay Soomaaliya kula dacwootay.

Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland ayuu ku tilmaamay in dhanba dhanka kale uu ku haleynayo la hadlidda Dowladda Kenya.

Arrintaasi ayuu ku sheegay in ay iyane ka faaiideysaneyso, waxa uuna Xukuumadda Federaalka ka dalbaday in aysan sheedha ka daawan shacabka dhagaxaanta la hor taagan Ciidamada hubeysan ee Kenya.

waxa uu isweydiiyey waxyaabaha keenaya darbiga Kenya ay baladxaawo marineyso, waxa uuna sheegay in horay Kenya ay Soomaaliya ugu qabsatay dhul, baddii qeyb kamid ahne ay sheegatay, haatane ay usoo xeed-xeedatay sidii dhul horleh u qabsan laheyd.

Madaxda Dowladda iyo Kuwa Jubbaland oo Senotar-ka laga soo doortay waxa uu ka dalbaday in ay dhexda u xirtaan sidii Kenya dalka looga dhicin lahaa boobka ay ku heyso sida uu hadalka u dhigay.