Faroole oo noqday Senatarkii ugu horeeyay oo la soo doortay

Reading Time: < 1 minute

Doraarashada Aqalka Sare ee ka socota  magaalada Garwoee ayaa waxaa la doortay xildhibaankii ugu horreeeyey Puntland ee Golaha  Aqalka Sare.  Doorashada kursigii ugu horreeyey Senatorada Puntland   ayaa waxaa ku guuleystay Cabdiraxman Maxamed Maxamuud (Faroole) oo markale difaacday kursigiisa.

Dr. Faroole ayaa noqonaya Senatorkii ugu horreeyey ee ka soo baxa dhanka Puntland, waxaana la tartamay musharrax Maxamed Cismaan Colaad oo laga adkaaday. Sida uu shaaciyey guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland, Faroole ayaa helay 54 cod, halka musharraxa laga guuleystay ee Colaad uu helay 11 cod, sidaasna waxay guusha ku raacday Senator Faroole oo markale 4 sano ee socota ka mid noqonaya Aqalka Sare.