Faroole oo ku eedeeyay Cumar C/rashid isku dir iyo ka been sheegid heshiiska Boosaaso

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, ayaa sheegay inuu ka xun yahay in ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid uu khilaafay bayaankii ay ka soo saareen arrinta Boosaaso. Waxa  uuna ku eedeyay Cumar CC inuu ka been sheegay wixii lagu heshiiyay, isla markaana aan hogaan lagu aamini karin.

Faroole ayaa sheegay in Cumar Cabdirashiid uu la ogaa hawsha ay wadeen, balse uu si lama filaan ah uga baxay garabkooda markii ay soo saareen bayaanka.

Cumar Cabdirashiid ayaa qoraal uu ku baahiyey boggiisa rasmiga ah ee Twitter-ka ku yiri “Waxaan caddaynayaa inaan la igala ashan oo aanan qayb ka ahayn bayaankan soo baxay iyo hadallada uu xambaarsanaa. Boosaaso dhibka soo gaaray xal iyo baaq nabadeed keliyaa u dan ah”.

“Cumar baan idiinka dacwooneynaa, Cumar ama dadka ku soo dara ama siyaasad dambe yuu ka hadlin, isagoo Prime Minister raadinaya yaan la arkin….” ayuu ka sheegay goob uu uga hadlayay arrimaha Boosaaso.

Bayaankaas uu sheegay in aan lagala tashan ayaa waxay ergadaa siyaasiyiinta ahi ku sheegeen in qododbadii talo soo jeedinta ahaa ee isimadu soo saareen aanay khusaynin ergadoodaas talona aanay ku lahayn, oo sidii ay ku ballameen, waa sida loo dhigaye, aan markii hore lala wadaagin ee ay qoraalkaa ku arkeen baraha bulshada oo aanu ahayn mid wax u taraya xasiloonida iyo wadajirka Puntland.