Waxaa labo habeen ka hor lagu qabtay magalaada Garowe kulan albaabada u xiran yihiin oo ay ka soo qaybgaleen siyaasiyiinta reer Puntland ayaa looga hadlay sida Puntland u wajaheyso xaalada ka jirta Magalaada Muqdisho.
Kulanka oo dhacay habeen ka hor inta aan madaxdii hore ee Puntland u safrin magalaada Boosaaso ayaa lagu go’aamiyay in magalaada Muqdisho loo diro wafdi ka soo jeeda meesha Puntland oo xoog leh kuwaas oo garab istaaga waxa lagu sheegay shacabka Muqdisho”.
Kulanka waxaa ka hadalay Cabdiraxmaan Faroole oo ah shaqsi aan la baqain dareenkiisa iyo waxa uu damacsan yahay. waxa uuna sheegay in ay lama huraan tahay in Farmaajo si toos ah loola dagaalo, Puntland ay iyadu hogaanka u qabato geedi socodka siyaasada dalka.
“ War bal i dhagaysta, Mariixaan tuugmo iyo wadahadal waxba kuma laha, hadii cid taqaano dhaqankooda waxa yaqaano Majeerteen, anaga ayaa naqaan sida loola dhaqmo.. wallaahi hadii aanan anaga bilaabin dagaalkii lagu ceyriyay Siyaad Bare, Puntland maanta ma jirteen” ayuu yiri Cabdiraxamaan Faroole.
Asbuuca soo socda ayaa la filayaa wafdi balaaaran oo ay ku jiraan Cumar Cabdirashiid, Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiwali Gaas ay tagi doonaan magalaada Muqdisho iyaga oo saldhig ka sameeysan doono hotel ku dhex yaalo Garoonka Diyaarada Aadan Cade.