Farmajow Waddaniyad Kaa Fog, Bal akhri Warbixintaan Xaalufinta Kalluunkii Badda.

Reading Time: 3 minutes

Waxaan soo baxayey muqaallo uu Farmajo ku sheegayo inay dalka laba Feker isku haysataan Qabiil iyo Waddaniyad oo Waddaniyaddii ay luntay 30 Sano ka hor, laakiin hadda ay soo noqotay. Runtii waa caay iyo Gef uu Shacbiga Somaliyeed ka gelayo Farmajo waddaniyadda waxay luntay 1969 markii dalka uu Siyad Barre Doorasho u diiday oo uu yiri aniga maahee cid kale maya na yiri.

20020 Markii Carta lagu soo kabkabay Waddaniyaddii oo ay hadda Socod barad joogto nin uu Siyaad Tababaray  oo Farmajo la yiraahdo ayaa leh doorasho maya ee waa aniga sidii uu adeerkiis ka bartay  una hilowsan yahay.

Kaligii waddani waa soo aragnay, waana ku soo gubannay, maanta Farmajow kaa yeeli meyno ee adiga iyo waddaniyad kala fog.

Waxaa durbaba soo bilowday inay soo baxaan dhibaatooyinka dalka uu geystay Farmajo afartii sano ee uu hoggaanka hayey. Waxaa jira heshiisyo badan oo ay adag tahay qaarkood sida looga baxaa, kuwaas oo keeni kara khatarro amaan, aargudasho ay dad nooga dhintaan iyo dhaawac qarameed oo aan muddo dheer laga soo waaqsan Karin.

Waxaan maqmaqleynay heshiiyadii dekedaha Baraawe, Muqdisho, Boosaaso iyo Berbera oo uu Farmajo Abiy Axmed u saxeexay, welina aan wax war ah laga hayan nuxur, waxa uu Itobiya siinayo iyo Waxa uu Somaliya ku waajibinayo maadaama uu ahaa heshiis Xaaraan ah oo mugdi lagu saxeexay, iyadoo dano gaar ah laga leeyahay.

Laakiin waxaas weli wax badan lagama oga waxaasa oo daatay hadda in Badda la xaalufinayo oo dhamman kalluunka ay tahay in laga mariyo muddo kooban. Waxaa uu Farmajo siiyey 52 Markab oo kuwa wax xaalufiyo ah inay baddeenna muddo yar ku mariyaan wax Allah waxa kallun sheegta mid aan dabanin mid la dabtaba.

Bilihii September iyo Oktober 2020, oo uu Farmajo ogaa inuu soo dhow yahay waqtigii dalka ka baxsan lahaa, haddii doorasho lagu dirqiyo ayaa waxaa loo saxeexay 52 kooxood oo raxan maraakiib ah leh inay badda xaalufiyaan, waxaana laga qaatay lacag hor maris ah si doorashada loogu galo.

Arrintaan oo aynu faahfahinteeda dib ka soo sheegi doonno hadda waxaan hoos ku muuijisan  shax ilqabad leh oo laga ogaan karodhibaatada dalka loo geystay. Waxaa la hubaa marka ay dowwlad dalka kala wareegto dowladdaan waqtigeeda dhamaaday ee loo tago buugta ay qarinayaan waa haddeysan gubine waxaa soo bixi doona wax lala yaabo.

LAMBER MAGACA MARKABKA SUMMADDA TAARIKHDA SAXEEXA
1 Nadiil 2187 10/9/2020
2 Aarya 2188 10/9/2020
3 Miiraas. 2189 10/9/2020
4 Al-Maxamedi 2191 12/9/2020
5 Al-Aqris 1749 14/9/2020
6 Armin 2284 15/9/2020
7 Al-Amiir 2268 16/9/2020
8 Al-Moosin 2267 16/9/2020
9 Al-Shahin 1750 16/9/2020
10 Al-Yusufi 2254 17/9/2020
11 Umiid 2269 17/9/2020
12 Suber 2270 17/9/2020
13 Al-Uweys 2192 18/9/2020
14 Al-Macrufi 2240 19/9/2020
15 Miilad 2239 19/9/2020
16 Safa 2193 20/9/2020
17 Al-Maxamedi 2194 20/9/2020
18 Al-ubeyr 2241 22/9/2020
19 Al-Raxman 2255 22/9/2020
20 Mowlai 2242 22/9/2020
21 Aarsalan 2256 22/9/2020
22 Nimcan 2013 22/9/2020
23 Suheyl 2014 22/9/2020
24 Cadnan 2015 22/9/2020
25 Al-Samaan 2273 22/9/2020
26 Ahmadi 2274 22/9/2020
27 Al-Arsilaan 2275 22/9/2020
29 Al-Fariid 2276 22/9/2020
30 Saajid N/A 23/9/2020
32 Faaruqi N/A 23/9/2020

MOL waxay in muddo ah la yaabaneyd waxa uu Farmajo u diidayo inuu dalka doorasho caddaalad ah aado, oo uu ugu dhegan yahay talada haddii aysan jirin dhibaatooyin uu ka baqayo inay soo baxaan, kadibna lagu maxkamadeeyo.

Hadda waxaa bilaabatay soo bixitaanka waxa qarsoon ee ay Farmajo iyo dhammaan kooxda NN isla maLeegayeen, iyadoo xataa ay ku jiraan qaar dowlad goboleedyada ka mid ah. Farmaajow waddaniyad kaa dheer.