Farmajow Aden Cadde Shalay Basaas ku sheeg, Maantana Waddani? Ceeb waa Dhegahaaga oon ku Maqlin.

Reading Time: 3 minutes

Waa wax lala yaabo qofka marka aysan dhagahiisa iyo afkiisa is maqal oo uusanmarnaba soo xusuusan beentii shalay iyo tan maanta oo xataa iyaga isburrinaya.Farmajo ayaa waxaa uu soo duubay muuqaal uu isleeyahay markale ku beerlaxawso Somalida iyo Xildhibaanada Cusub;

Muqaalka gudahiisa waxaa ka muuqata laba ujeeddo oo dhammaantood raqiis ah, kuwaas oo aan marnaba Farmajo u shaqeyneyn mar kale haddii ay u shaqeeyanna ay dalkaan u dhammaan doonto, taariikhna uu noqon doono.

Waa tan koobaad wuxuu amaan iyo Sharaf uu horay uga tirtiray u ogolaaday Allah Naxariis ha siiyeey MW Adan Cabdulle Cisman, wuxuuna wax yar oo dhibic bad lagu riday la eg a sheegay Aden Cadde halagansii uu gobannimada kula dhaliyey raggisii.

Tan labaad oo ahayd ujeeddada muuqaalka loo sameeyey ayaa ah inuu rabo inuu shacbiga u sheego inuu yahay nin ku soo koray guri waddaniyaddu ay ka jirtay, hasa yeeshee imisaa abwaan dhalay oo aan alifna sheegi Karin?, imisaa caalim dhalay oo diinta ka arradan, imisaasa caaqil dhalay oo dhoohan. Inaad ku soo korty guri ay waddiniyad ka jirto kaama dhigeyso waddani. Waddaniyadda waa dareen uu qofku u dhasho kadibna uu ka falceliyo waxa dhacaya si togan. Dhoohane maqane jooge ah inuu guri waddaniyad taallo ku soo koray maaha inuu noqonayo waddani oo adigaaba tusaale nool iska dhigeysid.

Adan Cade-Rabbi ha u naxariistee- oo aad hadda amaaneyso eraydaan hoose oo af lagaada ah, kuna sifeynsa inuu dabadhilif gumeysi u shaqeeye ah goormaada ku riyootay taariikhdiisa suuban inay sidaan aad duubtay ay tahay?

Farmajo rag waxaa uu ugu liita nin maqan oo aan a tabin, nin tagaya oo aan la ceshan iyo mid soo taagan oo laga tashado waa lagaa tashaday ee isu tur oo dalka iskaga tag.

Waxaad qortay (Naturally, when the Somali government was formed, most parliamentary seats went to those tribes that had been loyal to the colonial rulers,…. Somalia’s first president, Adan Abdulle Osman, is a prime example. He was a former civil servant under the Italians as a member). Tarjamada qoraalkan waxay leedahay: Caadi ahaan, markii la dhisayay dowladda Soomaaliya, kuraasta badankood waxaa la siiyay qabaa’ilka daacadda u ah madaxdii gumeystaha,…. Madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya, Aadan Cabdulle Cismaan, ayaa tusaale ugu filan. Wuxuu hore u ahaa shaqaale rayid ah oo Talyaaniga Xubin ka ah. Waa yaabe sidee ayuu Aden Talyaani xubin uga ahaan karay? Jaajuus? Maya Xashaa Lillahye, wuxuu ahaa taariikhda ha la weydiiyo.

Markaas aad qoraalkaan sameyneysay Aden Basaas ayuu ahaa ayaad lahayd hadda si aad dadka ugu beer laxawsatid waxaad qireysaa qiimahiisii bal doc uun isugu beyr oo waxa kuugu daran sheeg ha lagaa daweeyee? Ma waalliyaa? Ma garasho xumaa? Ma gunnimaa? Misa waa laba miirranimadii aynu maqaallo hore aan MOL kaaga soo qornay?

Farmaajow weligaa waxba kama sheegin halka aad waddaniyadda ka taagan tahay waxa aad qeexideeda u haysato? Ma in dalka Cadow soo jireen ah gacantaa loo geliyaa waddaniyad ah? Ma in 1000 qof oo masaakiin xamaalata ah in hal maalin 14kii Oktober 2017 qarax lagu xasuuqo oo aadan ka tiiraanyoon ayaa waddaniyad ah? Ma ONLF oo cadowgii la dagaallameyey uu u aqoonsan yahay in xurnimo u dirir yihiin ay dowladdaadu argagixiso u aqoonsan tahay ilaa maanta ayaa waddaniyad ah?

Ma in wiilal yar been lagu qoro iyadoo loo sheegayo mustaqbal ifaya iyo Sharaf ah inay dalkooda difaacayaan kadibna loo saxeexo  Itoobiya iyo Erateriya in Tigray la dagaalkeeda Xaabo looga dhigaa? Ma halgamaa adiga dhiigiisa kuu huri lahaa haddaad mudan lahayd,  cadowgii uu la dagaalamayey loo gacan geliyaa? Ma in Madaxdii xilka si Sharaf leh kuugu wareejisay in dilal loo qorsheeyaa waddaniya ah? Farmaajow fahmi weynayey maxaad waddaniyad u taqaannaa?

Hal mid waad caddeysay oo mugdi kuma jiro in afar sano iyo bar oo aad dalka madaxda ka ahayd inaad ku fashiilmay:  dawlad wanaagga, la dagaallanka musuqa, karaamo ridka Dalka iyo burburinta astaamaha midnimada Soomaaliyeed, iyo  kobcinta qabyaaladda si aad umadda ugu kala fogeysid. Farmajow xataa maanta reerka aad ka dhalatay waxaad ka dhigtay inaan xukun dambe lagu aamini Karin maadaama intay bannaanka soo istaageen sheekh, shariif iyo siyaasigooda aysan  iska kaa beriyeelin oo ay ilaa maanta kugu dabasafan yihiin.

Xusuuso Aabahaa Rabbi ha u naxariistee waxaa uu ka fa’iiday maalinta weyn ee xorriyada 1da Luulyo 1960 oo jeelka laga sii daayey markaasaa adigana cadow u dhiibeysaa Walaal Somaliyeed oo Aabahaa halgankii uu galay gees kalae kaga jira. Oday Cabdullahi Farmajo waan u duceyneynaa  Qabrigana allah ha u waasiciyo laakiin wuxuu nooga tagay Maxamed oo habaar qabe ah oo na hoday welina la na dul hoganaya oo aan naga tageyn.

Taariikhda waa cadow oo wax ma qariso, Samliya waa qaran, Qaranna kii khiyaanay waa ogyahay.