Dalka Qatar ayaa lagu soo warramayaa inay Farmajo Khasab iyo cagajugleyn uga soo saxeexday heshiiyo aanay ka waraqabin Xukuumadda Rooble, lamana socon wasiiro ama khubaro aqoon u leh waxa uu saxeexay.
Danjiraha Qatar u qaabilsan Soomaaliya Xasan Bin Xamza oo u warramay Wakaaladda Wararka Qatar ee QNA ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, kaas oo xooganaa 5-tii sano ee lasoo dhaafay. Taas oo macnaheedu yahay in Qatar aysan hal mshruuc ka fulin dalka balsa waxa ay rabto ka heleysay Somaliya, sida Caruurta ay dagaalka Tigray gelisay.
Xasan Bin Xamza ayaa ugu horreyn soo hadal qaaday socdaalka Farmaajo ee Dooxa, wuxuuna sheegay inuu qayb ka yahay xoojinta xiriirka dhinacyada kala duwan leh.
Sidoo kale wuxuu danjire Xasan Bin Xamza shaaciyey in labada dal ay kala saxiixdeen heshiisyo dhinacyo kala duwan leh oo ay ugu horreeyaan dhanka waxbarashada, maalgashiga, kahortaga lunsiga dhaqaale iyo cashuuraha, arrimaha siyaasada iyo qaybta duulista rayidka ah.
Dhanka kale wuxuu sheegay in Qatar ay haatan ku howlan tahay dhameystirka Mashruuca Wadada isku xirta Muqdisho iyo Magaalada Jowhar oo haatan maraya meel wanaagsan.
Qatar ayaa Soomaaliya ka fuliso mashaariicyo kala duwan, bal yaa sheegi kara mashariicda Qatar ee Somaliya ay ka fulisay? iyada oo sidoo kale ka qayb qaadata taageerada ciidamada iyo dhanka arrimaha bani’aadanimada ee Soomaaliya.