Farmajo oo loo sheegay inay Khasab tahay in Itoobiya ay hesho Bad iyo Musraf Cagjar oo ku kaalmeynaya arintaas

Reading Time: 3 minutes

MW Farmajo oo booqasho aan la qorsheyn oo halhaleel ah ku tagay dalka Itoobiya si uu MW Dowlad goboleedka Jubbaland ugu raadsado cadow askar Itoobiyaan uu u kaashado ayaa la kulmay madaxda Itoobiya. Has yeeshee, waxaa dhagihiisa lagu dhibciyey in dalka Itoobiya ay ka go’an tahay inay hesho bad,  meesha kaliya ee ay ka heli kartana inay tahay Somaliya, waxaana Farmajo la xusuusiyey in Itoobiya ay dardargelineyso dhisidda Ciidamo Badeed si looga faa’iideysto heshiiskii is dhexgalka ee kal hore lawada saxeexay.

Warar laga helayo dhinaca milateriga Itoobiya ayaa sheegaya in Dalka Itoobiya uu Somaliya heshiis kiro ah oo muddo dheer ah uu la galo, kaas oo Somaliya looga kireysanyo mid ka mid ah dekadaha waaweyn ee dalkeeda. Dekadaas waxaa maamulanaya Itoobiya oo dejisaneysa ciidankeeda, kadibna laga shaqeeyo in dalalka Itoobiya iyo Somaliya la isku daro. Wadahallaadaas oo qarsoodi ah ayaa hadda ka socda Adis Abeba, waxaana la filayaa in war murtiyeedka lagu qoro in lagu heshiiyey in la dardargeliyo heshiiyada Itoobiya iyo Somaliya u dhaxeeya.

Farmajo waxaa ka horreeyey Fahad Yasiin iyo Cabdullahi Kullane oo lacago geeyey Adis abeba iyadoo MOL ay dabajoogto lacagtaas iyo cidda la siiyey, horayna idin la wadaagtay Qeybtii labaad ee lagu qabtay Kenya ee Cabdullahi Kullane uu waday.

Mw Farmajo uma muuqato khaterta ay arrintaan leedahay iyo qaraarka Qaramada midoobay ee Cutubka todobad ee soo baxay dhamaadkii May 2019.

Farmajo ayaa waxaa uu Itoobiya u tagay sidii uu uga adkaan lahaa Axmed Madoobe, waxaasa lagu furay arrintaan. MW Faramajo waxaa uu aaaminsan yahay in Axmed Madoobe yahay caqabadda hortaagan in  Farmajo reerkiisa ay gacanta ku dhigaan gobollada Jubbooyinka. Farmajo ayaa laga soo weriyey “Ugaadeenka lama aamini karo oo haddii ay rabaan waxay sameynayaan in ay gobolladaas gacanta u geliyaan Itoobiya”, balsa uu isagu rabo inuu dalka oo dhan gacanta u geliyo  Itoobiya isgoo muuqda ama iska dhigaya inuusan ogeyn.

MW Farmajo iyo RW Kheyre ayaa qaba in Axmed Madoobe laga takhaluso oo marka hore lagu badalo nin Ugaadeen ah, kadibna talada loo wareejiyo beesha Marrexaan, taas oo uu MW Farmajo ku taamayo inuu MW ka noqdo jubbooyinka marka uu talada dalka ka dego. Waayo buu yiri nin aad ugu dhow oo arrimahan qorsheyna waa Sanator Goonjeex “waa jid furan oo R/wasaarihii dalka Dr Cabdiweli Cali Gaas ayaa markii uu ka dagay RW dalka noqday MW Maamul gooleedka Puntland, mana jirto waxa Farmajo u diidi karaa” Laakiin Sanetorka ma oga inuu Farmajo Caabudwaaq ka soo jeedo.

Geesta kale Faramjo waxaa dadaal dheer kula jira si Axmed Madoobe looga takhaluso MW Killilka shanaad ee ay Itoobiya gacanta u hayso Mustaf Cagjar.

Mustaf sababaha uu u Farmajo u taageerayo waxay tahay isagoo ugu abaal gudayo lacagtii faraha badneynd uu laaluushka u bixyey xelligii doorashada oo ay Farmajo iyo  kheyre siiyeen, taas oo keentay guusha khaladka oo uu kula fadhiyo gursiga madaxweyninamada kililalka shanaad.

Dhinaca kale Farmajo iyo Mustaf waxay ka siman yihiin hal arrin oo ah in dadkii doortay ay ku hungoobeen iyadoo la soo sheegayo in Mustaf uu xataa ka daran yahay Abid iley oo hadda looga duceeyo degaanka.

MW Farmajo iyo Mustaf waxay iska kaashanayaan in dalka Somaliya uu gacanta u galo dalka Itoobiya. Midkoodna waxba kama oran ciidanka faraha badan ee ciidan-Badeedka ah  ee ay Itoobiya dhisaneyso si loogu qabsado xeeb ka mid ah Xeebaha Somaliya, kira kadib. Sidoo kale mid koodna waxba kama oran calankii tijaabada ahaa ee khariidada qaaradda Afrika looga saaray Somaliya, Gobbolada waqooyi oo durbaan been ah loo tumayo mooyee.

Dadka Smaliyeed waa inay ku baraarugaan in Mustaf Cagjar iyo Farmajo ay heshiisyo hoose la galeen Oromada iyadaba tabar daran ee uu Abiy Axmed hogaamiyo, sidoo kale loo baahan in shacbiga uu bilaabo inuu ka dhiidhiiyo dhibaatooyinkan. Runtii waxaa ammaan mudan dhallinyaro damiir iyo dadnimo leh oo  fahmay in wax la iibinayo uu mustaqbalkoodii yahay oo baraha bulashada si xog leh dagaal uga bilaabay waxaana mucaridka  Muqdisho iyo shacbiga Muqisho lag araba inay muujiyaan dareenkooda oo ay iska qaadaan heeryada ceebeed ee kor saaran. Madaxda iyo Mucaridka hadda idin horboodayaa waa daneystayaal suga in la siiyo jagooyin ay cimrigooda  inta yar ee ka hartay ku dhameystaan, laakiin dhallinyaradu waxay leedahay mustaqbal dheer, waana inaad maanta u hawlgashaan.

Waxaa dhintay oo aan ku tashi lahayn Barlamankii dalka oo gacanta u galay gumeyste- kalkaalayaasha Farmajo iyo Kheyre oo hadda helay Mustaf Cagjar. Dadka Simaliyeed ha baahnaado, ha tabar darraado laakiin lama gumeysan karin oo waxay leeyihiin qab iyo sharaf weyn. U fiirsada sida ay ula saftaan Somaliga ay waddaniyad yar ka dareemaan sida Framajo oo ay ku sirmeen iyo Mustaf oo isagana hadda la fahmayo in lagu sirmay.