Muqdisho Online ayaa beryahanba idiin soo gudbineysay wixii ay kala kulantay xiriiro ay la sameysay qaar ka mid ah xildhibaanada cusub ee kuraasta loo soo boobay, waxaan la hadallay ilaa tobaneeyo xildhibaan oo si sir ah noogu warramay, waxaasa yaab leh inay dhammaantood ka korsan yihiin sida ay dad badani u malaynayeen oo ah inay yihiin dad meeshii la rabo loo jiheyn karo.
Laakiin markaan waxaan la hadallay xildhibaan laga takhalusay oo aad u careysan., kaas oo kursigiisa loo boobay si cad, kadib loo sheegay adigaan ku wadanaaye tartan.
Xildhibaankaan waxaa uu ka mid ahaa xildhibaanada Galaha shacbiga dhex fadhiyey ilaa iyo Carta, sidoo kale waxaa uu ahaa xildhibaan diin iyo diin la’aan , gar iyo gardarro, Xalaal iyo Xaraan Farmajo iyo dowladdiisa ku difaacayey, balsa hadda fahmay inuu yahay mid laga dhameystay.
Waxaa in muddo ah loo diidayey inuu arko Farmajo iyo Fahad, laakiin ugu dambeyntii waxaa askari uu yaqaanno uu u fududeeyey inuu arko Farmajo. Maxaasa kala qabsaday?
Farmajo: Mashaa Allah war ii warran waan ogahay inaad noo careysan tahaye?
Xildhibaan Hore (XH): Caro maahan ee dhabarkaa iga toogatay adigoo ogaa inta eed aan kuu galay, kaligeyna maaha ee waa intii kuu eedowday abaalma ma lihid, cid kastana waan u sheegayaa.
Farmajo: Is daji marka hore, Siyassadda abaal ma leh tan kale dhammaan raggiina iyo gabdhihiinnii aan soo noqon waan ka iibsannay kuraasta oo gacan qabsi fiican ayaan siinnay, waxaana amarnay kuwii tartamay ee lacag ka gashay in lacagtooda loo celiyo.
XH: Mudane I dhageyso waxaan adiga iyo Xasan Kheyre idiin galnay eedo badan, gaar ahaan aniga haddaan iska hadlo waxaan idinka difaacay werarkii Cabdiraxman Cabdishakuur, Dhiibistii Qalbi dhagax, Qaraxii 14kii Oktober oo aad xaqiiqadiisa ogtahay iyo sida uu ku dhacay, weerarkii Axmed Madoobe iyo Deni, kii Xaaf, Kii shariif Xasan, kii dembiga weyn ahaa ee khaarijinta fashilantay laba jeer ee madaxdweynayaashii kaa horreey ee aan kaaga eexannay, dilkii Ikran oo aad ogtahay xaalkiisa iyo sida uu u dhacay oo aan qofna loo sheegin xaqiiqadiisa aannagusa aan isla ognahay, Ridistii Jawaari oo aad si adag noo baryeysay, iyo tii qarsoodiga ahayd ee Xasan Cali Kheyre oo 7 daqiiqo ku fulinnay iyo aniga oo si gaar ah kaaga difaacay Bajaajleyda masaakiinta ah oo aan maata ka xumahay dembiga aan ka galay kuwaas oo ay ciidanka joogtada u dilaan ayaad maanta dhabarka iga toogatay.
Farmajo: Kheyre nin xun, kalamana fogin laakiin Fahad ayey is fahmi waayeen haddana waxba ha u qaadin anigaa kaa xaalmarinaayo xaggiisee.
XH: Oo ma wada socotiin? Intii dembi aad na galiseenna waad ogtahay. Waad na khiyaanteen labadiinnaba. La isagasa harimaayo.
Farmajo: Farmajoo oo guduutay ayaa ku shigshigay; Horta inaats oo dhan waan ku wada jirnaa oo annaga kaligeen ma sameyn adiganaka dowladda ayaad ka mid ahaydeen, tan kale xildhibaan kasta oo annaga nala shaqeeyey waa ka iibsannay shaqadiisa iyo kursiga aan ka qaadnay waxaan idin siinnay qandaraasyo aan si gaar ah idiin siinnay, kuraastana waa idinka iibsannay oo qof waliba lacag fiican ayaan ka siinnay sida kuwa soo baxayna aan ugu iibinnay kuraasta warkaas sow run maaha?
XH: Waa run oo aniga dhowr qandaraas waan helay oo qarkood weli waa ii socdaan, haddana xoogaa waa la iga siiyey kursiga, laakiin ballanteennu waxay ahayd inaan isla soo noqonno oo waxaan u haysannay inaan NN wada leenahay sidaas ayaana u difaacaneynay, laakiin hadda waxaa ii cad inaad adiga iyo Fahad oo kaliya aad leedihiin.
Farmajo: Is daji dhaqaale xumo kuma hayso muddo dheerna waxbaad soo cuneysay, haddana lagaama taabanayo qandaraasyada aad haysatid Fahad anigaa u sheegaya.
XH: Mudane ballan ma lihidiin sideen kuu aaminaa nin intaas oo dembi ah kuu galay baan ahay maanta sidaas ayaad I yeeshay, sideysa kuu aaminayaan dhallinyarada aad nagu badalatay illeyn annaga ayey noo jeedaan sidaad na yeeshaye?
Farmajo: Waa laga shaqeynayaa arrintaas dhibna malaha, laakiin adiga waxaa lagaa rabaa inaad afxumada joojisid si aad u haysato Qandaraasyada.
XH: Muadane, Aniga waxaan dhihi lahaa waan iri, haddii ay dhallinyarada wax iga weydiiyanna waxaan u sheegayaa wixii aan soo maray iyo wixii igu dhacay ee hadda maxaa ii haysaan aniga oo aad dhabarka iga toogatay?
Farmajo: waan illoobi lahaa waxaa jira qorsho labaad (Plan B) kaaso oo ah inaan Barlamaanka gacanta ku dhigno oo aan dhallinyaradaan hawlgelino oo ku soo noqonno kadibna raggiina waxgalka ah mid mid loo soo celiyo ee waxba ha niyad xumaan ee sidii noola shaqee afkaagana hayso.
XH: Waa wax fiican haddii aad Mudane soo celiso raggii difaacaaga u taagnaa, laakiin yaa ku aaminaya?
Farmajo: Taas igu hallee, tan kale aan kaftamee adinka afkiinna ayaa weynaaday dhalinyaradan wax yar ayaa ku filan in codkooda la helo. Adigasa wax aan ku siinnay kuuma muuqdaan ee wax weyn ayaad naga rabtaa. Aan is cafinno waana isu soo noqoneynaa gaar ahaan adiga kursigaaga in laguu soo celiyo ayaan ka shaqeyneynaa markaan soo noqonno.
XH: Mudane Cafis waa noo marka aad ii soo celiso Kursigeyga.
Farmajo: Ha degdegin wax badan ayaan soo wadnaahe.
XH: Mahadsanid Madaxweyne mar mar caro ayaan naqaadda ee Raali noqo, ra’iis baa tahaye.
Farmajo: Dhiba Malaha.
Saaxibkaan oo kala badbatay ayaa salaan kula soo booday laakiin Farmajo oo afka u xernaa ayaa gacmaha ka laabtay, wuxuuna XH baxay isagoo qoslaya oo faraxsan.
“Musuqmaasuq Somali waa Meheradeediyee Midab horley kuula iman maalin Daa’im ahe.” Sayidka.