MUDADA KA HARSAN XILKA XAFIISKA MADAXWEYNE FARMAAJO
103 days
10 hours
12 minutes
06 seconds
Reading Time: 4 minutes

Khudbad uu ka jeediyey xafalad lagu soo gabagabeynayey shirarkii beryahan u socday DG iyo Dowladda Federaalka ayuu eedeyn kulu dusha uga tuuray DG inay jebiyeen Distuurka isagana uu ka difaacayey, laakiin uu isaga  u tana sulay si uusan dalka u gala go’in. Wuxuuna iska dayey inuu dadka u sii sheego inuu qaban doono doorasho qof iyo cod ah  2024/25 ama haddii la qabto uu isaga ku adkeeyey cidda soo socota ee qaban doonta., hadda ogow waa isaga ninka fashiliyey in la qabto doorasho qof iyo cod ah ee mar waliba rabay in muddada loo dheereeyo.

Qodobka koowaad.waxaa uu MW awoodi waayey inuu qirto inuu dalka ka qaban waayey doorasho qof iyo cod ah oo ku fashilmay sida uu ugu fashilmay halo badan o kale sida ammaanka ayaa  waxaanu isku dayey In  dadka  Somaaliyeed iyo beesha caalamka uu ka dhaadhiciyo inay Madaxda Maamul Goboleedyada diideen inay dadka Sonaliyeed doorasho qof iyo cod ah helaan.

Madaxweynaha waxaa uu khudbadiisa oo isbari yeelid ahayd noogu sheegay been cad oo aan barax lahayn markii uu na yiri anigaa tanasualy.  MW Farmajo waxaa uu noo sheegay labad qodob oo isaga faan u ah: a) Inuu Difaacayey Distuurka iyo b) Inuu maamul Goboleedyada ka ilaaliyo inay dalka kala geeyaan oo uu dalka kala tago. Cid kastaa waxay ogtahay in uu isaga  ahaa ruuxa laga celinayey inuu Distuurka jebiyo oo waliba jebiyey intaas oo jeer.

MW Farmajo waxay ahayd inuu noo sheego inay dowlad goboleedyada badbaadiyeen dalka kadib markii uu u sheegi waayey waxa uu rabo Iyo sida  loo qaban karo inay u keeneen waddo uu ku baxsado. Madaxda DG  waxay ka fekereen maadaama uu Madaxweynaha ku fashilay in doorasho nooc kasta la qabto ayey is hordhigeen maxaa suuragal ah si ayan marnaan dowladeed u dhicin, waxayna la yimaadeen aragtidaan iyagoo shacbiga iyo siyaasiyiinta  inta dalka ka naxeysaa ay ku bogaadinayaan dadaalka ay muujiyeen madaxda Maamul goboleedyda.

Qodobka labaaad ee xiisaha lahayd waxay ahayd inusan madaxweynaha soo hadal qaadin RW cusub oo uusan shacbiga u sheegin inuu dalka iyo dadka Somaliyeed u keenay RW cusub-Mudane Maxamed Xuseen Rooble. In R/Wasaaare la magacaabay waxaa baraha bulshada iyo tan madaxtooyada ku sheegay wiil dhallinyaro ah oo beryo dhowd lagu badalay Cabdinuur oo la yiraahdo Cabridarishiid. Waa yaabe miyuusan qiimo iyo qaayo lahayn xafiiska weyn ee dalka hawlihiisa laga fuliyo iyo qofka kowaad marka hay’adda fulinta laga hadlayo. Maxaa u diiday MW Farmajo inuu si Sharaf leh u magacaabo, shacbigana uu u sheego inuu hawsha hogaaminta xukuumadda u magacaabay shakhsigaas.
Inkasta oo uu distuurka sheegeyn qaabka loogu dhawaaqayo haddana sharafta iyo qadarinta xafiiska madaxweynenimada waxay ku jiri kartaa marka uu ixtiraam u muujiyo xafiisyada kale ee sharciga ah ee la siman ka xafiis ahaan balse ay hawlaha u kala duwna yihiin. Xafiiska  RW waxaa uu ku cad yahay distuurka  dalka marka MW Farmajo isaga oo liidaya xafiiskaan, inkastoo ay dhici karto inuu liidayo shakhsiyaadka uu u magacaabay oo uu iskala weyn yahay inuu magacooda fagaare kaga dhawaaqo. Wali ma maqal isagoo MW Farmajo magac ahaan sheegaya magaca Xasan Cali kheyre, laakiin waa la maqlay isagoo leh “R/wasaaradda”.

Qodobka seddexaad Waxaa yaab lahayd in madaxweynaha oo markii uu soo galayey goobta Xafaladda ay la socotay hooyadiis Ilaahay cimriga ha u dheereeyee  uu dadka u sheegay inuu hadda goobta ku arkay hooyadii  oo uu intuu ka dagay halkii uu ka hadlayey u tagay gacantana ka soo dhunkaday. Waa sax waana wax wanaassan in wiilka baarriga ah uu hooyadii gacanta ka dhunkado, laakiin waxaa xaaraan ah istus tuska iyo been abuurka madaxweynaha oo hooyada ku sameeyey.
Haddii intuu natuso oo kamerada lagu duwo sida haddaba loogu duway kadibna uu marqaati uga dhigo inuu dalkaan daacad u yahay oo uu ugu adeegayo waddaniyaddii ay ku soo korisay  isaga waa fiicnaan lahayd. Laakiin Madaxweynaha waa uu maamada macaan oo runtii qarankaan abaal ku leh, maadaama ay dhasahy wiil ugu yaraan lagu aaminay hogaanka dalka waxay nagu leedahay abaal iyo duco. Waxaadsa akhrista ila qirtaa inaysan  iyadu ka mas’uul ahayn dhibaatoouinka uu u geystay hooyooyinka iyada la mid ee caruurtooda hadda ku koriya dhibaato uu isaga baday.
Hooyada xalay ilmaheeda ay gaajada ku seexdeen, hooyada xanuunsan ee jidadkii laga xeray. Hooyada  ay gubeyso fooshii isaga laga soo maray laakiin aan cisbitaal la geyn Karin waddooyinka oo uu ka xertay darteed, hooyada wiilkeeda aan meel ku ogeyn balse kalgacal iyo jaceyl ula siman hooyadaan maacaan ee Maxamedka dhibkaan badan ummada u geystay dhashay  walina u jecel si aysan erayo ku cabiri kareyn. Hooyada aan ilamheeda haddii shaqadii loo diiday u soo tuugsan Karin, waayo kuwii tuugsiga wax ku bixin lahaa ayaa tuugsi ku dhow oo shaqooyinkii laga bannaday.
Haddaba MW Farmajo waxaa uu hooyadiis macaan u isticmaalay dacaayad Doorasho oo ah “mar kale I doorta aan idin dabar gooyee”. Hooyo macaan allah ha ku sharfo laakiin mar kale dooran meyno kan aad dhashay ee dhibkaan noo geystay.
Faanoole Fari kama qoda
Marka hore Madaxweynaha waxaa uu Meesha ka saaray guddoomiyaha gobolka Banadir oo uu muujiyey inuusan wax door ah ku lahayn wixii halkaas ka dhacay oo daaradda iska joogay. Iyadoo intaas oo khasaare ah uu dalka u geystay MW Farmajo waxay u muuqataa weli inuusan sabrin ee uu rabo inuu helo waddo kale oo uu wax ku jillaafo, wana sababta uu wali afkiisa uga dhowrayo magaca R/Wasaaraha dalka, tolow ma wuxuu rabaa inuu RW xataa jillaafo u dhigo isagoo isticmaalaya Mahdi Guuleed oo Xogta qaar ay leedahay lama badali karo oo villada ayaa u sheegtay RW Rooble amarkaas.
Madaxdii hore dalka soo maray hal wax ayey kaga duwanaayeen MW Farmajo taasoo  ahayd waddo kale oo laamaheeda leh inay raacayeen , waxayna ahayd in dalka ay lexa jeclo ka haysay waxayna si cad u sheegayeen waxa ay qaban karaan iyo wax awoodda, aqoontooda iyo tabartooda u diiday. Tusaale u qaado kii ugu dambeeyey MW Xasan sheekh,  waxaa uu shacbiga u sheegay laba sano ka hor waqtiga doorashada in dalka aysan ka dhici Karin doorasho qof iyo cod ah, waxaana qalina iyo waraaqaha loo qaatay wixii kale ee la qaban karo oo noqday doorasho dedban,  waxaana la bilaabay 5tii Oktober 2016 inay dowlad goboleedyada aqalka sare doorashadiisa galaan. Maanta waxaa naga xigto 5ta Oktober 2020 laba todobaad welina lama yaqaanno goobta iyo goorta doorashada ay dhaceyso oo waxaa la leeyahay waxaa qorashadeeda la bilaabayaa 1-da November 2020.
Haddaba Farmjo waa fashilay, annagana waa na fashilay, ilaahayna waa fashilin doonaa oo habaarka inta dhiban ee hogaamintiisa lagu dhibay Allah waa kula xisaabatami doonaa. Laakiin ka yeeli meyno “mar kale I doorta aan idin dabar gooyee”