Farmajo oo Calanka hoos u Dhigay iyo Kheyre oo guddi Meyka Yariisow Aasta u Saaray.

Reading Time: < 1 minute

RW Khayre ayaa magacaabay guddi ka golaha wasiirrada oo ka shaqeynaya aaska guddoomiyihii gobalka Banaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) oo Dooxa uu geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qararxii toddobaad ka hor xafiiskiisa ka dhacay.

Waxaa wax laga xumaado ah in Madaxwaynaha, Guddoonka labada aqal ee Barlamanka iyo RW  kheyre midkoodna ma uusan booqan intii uu isbitaalka ku jiray Guddoomiye Yariisow. Sidoo kale wax Tacsi ah ama duca ah dhinaca dowladda uga iman dadkii ku dhintay ama ku dhaawacmay qaraxii Xaruunta Dowladda Hoose ee Xamar oo laba mid ahaa: Mid qorsheysan oo laa isla ogaa ama mid cidii geysatay ay baadigoobeyso cid ka mudan oo ay u saariso.

Haddaba dowlad noocaan ah oo ku muujineysa inaad reerkaaga ka dhimatay haddii aad dhimato sidee iyo kalsooni intee la eg ayaa loogu shaqeyn karaa, misa waxaa farxad ah in caalanka hoos loo dhigo iyo in si qaran lafahaaga loo aasi doono.

Farmaajo ayaa amray in mudda sedax maalin ah calanka dalka hoos loo dhigo si baroor diiq iyo duco loogu sameeyo guddoomiyihii gobolka Banaadir, Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow). Tani waa caadadii lagu yaqiin kali taliyayaasha oo intey qof dilaan kadiba qabriga dadka ugu hormaraan. Farmajo muxuu u diiday in loo saaro  guddi soo baarta xaqiiqda ariinkaan (enquiry) si loo ogaado cidda ka dambeysay? Misa waa la ogyahay cidda ka dambeysay oo looma baahno in la baaro?

Isku soo duub dalka iyo dadka Somaliyeed waa baylah u bannaan inay cid waliba ay weel darsato. Dalkana ma jirto cid macno ku fadhido oo mudan in guddi soo baarta loo saaro seddex qof mooyee, Farmajo, Kheyre iyo Fahad inta kale waa laga samri karaa.

Waxaan Ilaahay uga baryeynaa  dambidhaaf iyo naxariis Guddoomiye Yaariisow.