Farmajo Khudbadiisa Is Sharrixidda Muxuu ku sheegay oo aadan Ogeyn?

Reading Time: 2 minutes

Muuqaal ahaan waxaa uu u muuqday qof uu saaran yahay culeys weyn, kaas oo la oran karo wuxuu ahaa mid cafimaad ama mid daal ka yimid. Marka uu xoogaa hadlaba waxaa uu u baahnaa inuu biyo kabado dhuunta oo qallaleysay taas oo dhici karta inuu jiro ama xanaaq mar waliba cunaha gooynaya waayo ma uusan jecleyn ayaa la yiri Meesha uu taagan yahay oo ah inuu xildhibanno weydiisanayo cod. Hadduu xanuun jiro Rabbi ha caafiyo waa walaal Somaliyeed oo ducadeenna mudan.

Haddii aan u gallo Farmajo waxaa uu sheegay inaan loo baahneyn qof cusub oo ay waqti ku qaadaneyso inuu fahmo habka hogaaminta dalka, taas oo ah tan kaliya ee uu runta ka sheegay hasa yeeshee inta kale waxaa uga hadlay sidii inuu yahay nin xalay dhashay oo aan waxba horay ula socon. Wuxuu ku dadaalay inuu edbiyo dhegahiisa oo aysan maqal beenta uu afka ka shegayo.

Tusaale waxaa ka mid ah:

  1. Wuxuu shaaegay inuu Barlamanka xoreeyey oo uu u ogolaaday inay shaqadooda qabsadaan- Waa been oo waad wada joogteen xildhibaan waxaana kuu dambeyneysa meeshii u dambeysiiyey Barlamankii 10aad oo uu u kala qeybiyey kuwa mushaaraad iyo manaafacaad gooni haysta oo isaga ka difaaca xaqa lagu qabsado iyo kuwo la dulamy oo awooddii laga xayuubiyey.
  2. Wuxuu sheegay in dowladiisa ay qandaraasyada si saxa ku bixin jirtay. Waa yaab. Waa mesha dhahiisa iyo damiirkiisu is diidanayeen waayo in Xasan Cabdullaahi Farmajo loo xero qaadka ma si sax ayaa loo bixiyey? Qandaraaska Jamaal iyo Xaaskiisa iyo Koox reerka Farmajo ah loo xeray Ma saxbaa loo bixiyey? In Cuntada ciidanka in Qandaraas lagu siiyo koox isaga u shaqeysaa ma saxbaa loo bixiyey.
  3. Somaliland: Wuxuu sheegay inuu wahadalladoodii uu dib u bilaabay, ma sheegn maxay u istaageen , inteese la geeyey oo ay ku dambeeyeen, ma sheegin xataa inuu u diiday in la gaarsiiyo lacagihii loo soo marsiiyey dowladda Federaalka oo ay beesha caalamka ugu deeqday. Waxaa uu rabay in Abiy uu dayuurad ku geeyo Hargeysa taas oo yaab leh marka loo eego Madaxdweyne.
  4. Wuxuu sheegay inuu ciidan dhisay – Waa been waana tan sababta. Ciidan ma aha koox wiilal iyo gabdho ah oo dharka isku eg loo geliyo ee waa hab iyo hannaan u adeega bulshada, diinta, Dadka, iyo dalka ilaaliyaan laakiin waxaa u dhistay koox yar oo isaga u adeegta. Sidaas darted ciidan ma dhisin ee waa kooxo uu magacayo wanaagsan siiyey.
  5. Waxaan dhameystirayaa Distuurka, waxaan Dhisayaa Garsoor caddaalad ah, waxaan abuurayaa shaqooyin, waxaan soo celiyaa qabkii, waxaan la dagaalayaa musuq maasuq. Haddaba su’aashu waxay 5 sano ayuu xafiiska joogay wixii u uku qaban waayey 5 Sanp kuma qaban karo 4 sano oo soo socota.
  6. Ciribtirka Shabaab ayuu sheegay. Inta uu hadda sheegay waxaad ka fiirisaa khudbadiisii 2016 dhamaan way kuwada jireen mana jiro hal qodob oo ka hirgeliyey, sabab? Qorshaha Farmajo maba aha inuu fuliyo waxa uu sheegayo ee waa marin habaabin oo isagoo koofur u socdaa ayuu shacbiga u diraa waqooyi. Taas ku baro.

Sidaas darted isbadalka uu sheegayaa waa mid uu isaga rabo inuu ku noqdo hogaamiye ku yimid sanduuqa laakiin diidan inuu ku  tago, waxaa uu rabaa inaad u codeysaan si uu xafiiska uugu sharafan uu ugu soo noqdo isagoo isticmaalaya codkiinna, laakiin uu idiin diido inaad cod kiinna ku badashaan marka uu waqtiga ka dhamaado ama khalhkalo. Marka Xildhibaan codkaaga waa u muhiim dowlad dhiska iyo mustaqbalkaaga.