Kadib markii uu fashilmay qorshihii ahaa in Baydhabo lagu xabiso xildhibaanada Dirta iyo Digil iyo Mirifle ayaa waxaa uu xafiiskiisa ugu yeery Farmajo koox ka xildhibaanada DM kuwaas oo ay dood kululi dhemartay.
Farmajo waxaa uu u sheegay inuu rabay inay xildhibaanda walaalahood Dirta ah gaar ahaan Dirta waqooyi iyo beesha shanaad inay isfaham ka yeeshaan qaabkan 4.5 ee awoodda siinaya hawiyaha iyo Daaroodka.
Faramajo: Waxaan idiin kugu yeeray inay idiin sheeg inaan rabno inaan badallo qaabkan xilalka dalka loo kala qaato oo markaan RW uu ka yimaado Digil iyo Mirifle.
Xildhibaanki 1aad: Mudane waa mahadsan tahay laakiin fekerkaas qofkii horseedka ka ahaa waxaad ka reebtay tartanka waa shariif Xasan, marka sidee hadda u leedahay hadalkaas?
Farmajo: Shariif Xasan kaliya maaha DG ee waxaa idin ku jira dad badan oo wanaagsan oo u ka mid yahay MW hadda idiin jooga Cabdicaiis.
Xilhibaankii 2aad: Laftagareen iyo Shariif Xasan meel islama galaan, laakiin shariif Xasan iyo adiga waxa idinka dhaxeeya waan ognahay waxaad u haysay xarash ilaa Kampala Accord, waxaansa u haystay inaad kaga aarsatay marka aysinkaa aad kursiga uga qaadday.
Farmajo: Shariif Xasan waa nin xun adinkana waa ogtihiin, wax lagu aamini karaana ma jiraan.
Xildhibankii 3aad: Mudane Aw Shariif Xasan lan feylan wu, mana jirto cid aan ka yeeleyno waa hun yahay laakiin adaa ne-eb oo xataa damcay inaad disho isaga iyo Madaxweynayaashii kaa horreeyey.
Farmajo : Warkaas beentii mucaaridka ee hadda waxaan idiin kugu yeeray in RW uu ka yimaado DG oo Guddoomiyaha Barlamanka aan ka dhigno nin Hawiye ah oo wax qaban kara, ahna qof dhallinyar waana sida aan maxakamadda Sare u geynay nin dhallinyar oo Dirta Waqooyi ah wax badan oo khaldan horjoogsaday.
Waxaa hadalka qaatay Xildhibaan aamusnaa oo ku bilaabay hadakiisa : Madawiinne aniga hor iyo horraan ki salaamee laakiin wiliisheegtay sah ma eh been badan aang ka jirtee.
Farmajo: Isagoo wejiga ka duudayo ayuu ku soo booday oo yiri af Somaliga igula hadal.
Xildhibaankii: oo caro xoog leh ka muuqata ayaa kor u yiri: hoobba doogey Somali ahayn aninne Somali mi ihi
Xildhaabkii 1aad: Waxaa soo dhexgalay xildhibaankii hadalka bilaabay oo yiri Madaxweyne Maay waa lahjad ka mid ah afka Somaliga marka taas faham , tan kale haddii qorshiinna ahaa inaad Baydhabo nagu xabistaa, Hawiye oo intaas tiro la eg, oo caasimaddii isaga degan yahay, dhaqaalaha dhan ee dowladda ku shaqeyso isaga bixiya hadada rabtid inaad naga horkeento kaa yeeli meyno. RW iska dhaafe wasiirrada ayaan waayenaa haddii NN qorshaheeda uu fulo. Aniga waxaa la ii diiday xataa in Hoteelka la iga bixiyo haddii aan ka mid noqoneyn NN oo foom ayaa la ii keenay inaan saxeexo inaan NN ka mid ahay Marka MW wax soconaya maahaa waxa aad rabtiin.
Farmajo: Adinka annagaa idin keennay oo kuraasta idiin iibinnay, waxaana la socotaan waxa aad ahaydeen marka hore, haddana waxaa la idin leeyahay xildhibaane iyo ka leexo xildhibaanka marka waxaa Khasab ah inaan wada shaqeyno oo aan dalkaan gacan bir ah ku qabanno.Xataa idinka tiinnaa khater galeyso haddii aan soo noqonin annaga.
Xildhibaan 4aad: Madaxweyne annaga dadkeenna waxay na leeyihiin Nabad iyo Nolol waa cadowgeenna waxayna nagu dalbatay ciidan Itoobiyaan ah oo si arxandarra ah noo laayey Aw Mukhatar Roobow lama oga inuu dhintay iyo inuu nool yahay, Abdi Jannanna waad deysay oo weliba lacag siisay iskuna soo daaweeyey Turkiga, kadibna uu xaafaddiisa ku raaxeystaa, Gudoomiye Jawaarey aantay, Shariif Xasan aantay, Marka Digil iyo Mirifle haddii ay caqli leeyihiin inay kuu soo dhowaadaan iska dhaafe waa inay ka cararaan waxkasta oo aad lug ku leedahay.
Farmajo: Wixii tabasho ah oo dhan waa la saxayaa, laakiin naftiinna khater ha gelina ee nala shaqeeya si aan dalkaan gacan bir ah ugu qabanno.
Xildhibaankii: Ayaa hadalka ku soo noqday oo yiri haddii hadda aan weyne Gudoomiyaha Barlamanka oo iska dhaafno yaa caddeynaya inaan RW ama MW heleyno?
Farmajo: RW waa heleysaan haddaad NN ka mid tihiin oo anigaa idiin ballanqadaya.
Xildhibaan kale: Mudane ma adigaa soo noqonaya oo markaas RW na siinaya?
Farmajo: Haa waa tan aan idin leeyahay aan ka shaqeyno in Hawiyaha uu noqodo Guddoomiyaha, annagana aan soo noqonno iina sheega qof aad rabtaan inaan RW ka dhigo sida Cabdicasiis oo nin wanaagsan ah waa ka dhigi karnaa.
Waa la is fiiriyey, hoosta la iska hadlay waxaa lakala garan waayey ninkaan inuu riyoonayo in uu waalan yahay.
Waxaa soo booday xildhibaankii ugu da’ada yaraa oo si aan leexleexad lahayn u yiri: Madaxwyne dalka badabaado ayuu u baahan yahay, mana qaadi karo inaad adiga, Fahad iyo kheyre iwm ay talada mar kale u qabtaan, haddii aad soo noqotana aniga waan iska casilayaa xildhibaannimada.
Farmajo waa carooday waana ka istaagay fadhiga wuxuuna si anshax darro u yiri : “annagaa awalba moodnay inaan wax ka dhigno dad aan wax fahmeyn, waxna noqoneyn. Aaway xildhibaanada albaabka ka fura.”
Xildhibaan ayaa ka daba tuuray Farmajo oo sii baxaya: “meeshii nooga tagtay ay noo taallaa ee ogow Madaxweyne”
Farmajo: Waxaad tartaan ha la arko.
Waxaa soo galay isla markiiba laba askari oo u sheegay xildhibaanda inaysoo kacaan. Mid camaamad ka soo tanga data waa loo diaday inuu ku noqodo oo uu soo qaato waxaa loo diray askari oo qashin camal u soo duuduubay, kuna soo tuuray xildhibaanka.
Somaliya halkaas ayey mareysaa.