Gaari uu leeyahay Ilyaas Cali Xasan oo ka mid ahaa mudanayaashii hore ee Aqalka Sare ayaa lagu rasaaseeyay agagaarka hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho.
Gaariga la xabadeeyay ayaa waxaa saarnaa labo xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka cusub, kuwaasi oo kusii jeeday hoyga Sheekh Shariif Sh. Axmed ee agagaarka garoonka diyaaradaha.
Waa xaalad abuur u muuqata ina la rabo in dagaal laga huriyo dagaal taas oo ay dowladdii NN ay rabto in ay Xamar gubato oo dhinaca kale ay soo jawaabaan.
Balse xildhibaanadii saarnaa iyo ilaaladii la socotayba aanan waxba soo gaarin, wuxuuna sheegay Ilyaas in gaariga uu ahaa nooca aan xabadaha karin, balse rasaastii lagu soo riday ay burburisay daaqadaha gaariga oo ahaa Qooqan.
Caawa waxaa aaga garoonka diyaaradaha iyo xaafadaha ku dhow laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan, maadaama askar ka tirsan NISA ay maqribkii gudaha hotelka ay ka socotay dhaarinta xildhibaanadii lagu soo doortay Ceelwaaq.
Kooxdii NISA ee weerartay guddoomiye Dhabancad iyo xildhibaanadii uu dhaartooda ka qeyb galay ayaa rasaas ka dhex riday Hotelka, wuxuu guddoomiye Dhabancad weerarkaas ku tilmaamay shirqool loo dhigay isaga iyo xildhibaanadii dhaaranayay.