Farmajo iyo Kooxdiisa oo Been ka sheegay Ciidanka XDS inay mushaarkooda ku Deeqeen Guriga Farmajo.

Reading Time: 3 minutes

 Wiilkii Marin habaabinta u sameyn jiray  Farmajo ee Cabdirashiid “Duqa” ayaan daawannay isagoo ka been sheegaya Ciidanka XDS, kaas oo leh lacag ayey iska jareen oo u soo direen Farmajo. Waa beentiis, waayo ciidan daacadnimadooda qof maaha ee waxay la wareegtaa markii taliyahooda calanka lagu wareejiyey oo waxay u daacad yihiin cidda ku wareejisay una sheegay macna wiyan inay ka ilaaliyaan cadowga calankaas, waana Madaxdweynaha xadda xilka haya.

Ciidanka Farmajo lacag uma jarayaan waayo ma siinin wax aysan xaq u lahayn ee mushaaarkoodii ayuu siiyey, mana aha in qofka lagu buunbuuniyo marka uu waajibaadkiisa guto. Canshuurtii Dekadda Xamar, Garoonka Dayuuradaha ee Xamar iyo Gancasatada Xamar laga qaaday ayaa lagu bixiyey mushaarkooda, laakiin ciidanka XDS weli uma abaalgudin cidda abaalka ku leh oo ah shacbiga gobolka Banadir. Sababtoo aha weligood looma sheegin inay yihiin kuwa biila ee been cad ayaa loo akhrin jiray inay mushaarkooda uu Farmajo ka yimaado.

Farmajo waa kan hadda raba inuu indhaha caalamka, shacbiga Somaliyeed, dowladda Somaliyeed ka jeediyo dadka abaaraha ay ku habsadeen oo lagi mashquulo guri ayaa loo dhisayaa.

Farmajo iyo kuwa daba ordaa ma ogyihiin Imisaa TB la il daran oo qabta? Imisaa Caawa baahan oo aan 24kii saac ee tagtay waxba cunin? Imisaa Covid qabta? Imisaa harraad la il daran? Farmajo weligiis ma booqday xero qaxooti? Xero barakacayaal iwm? Maya haddana qab ayuu soo celiyey ayaa waxaa  ku leh qof aad u maleyneyso inuu caqliyan nool yahay oo uu xayawaankana kaga duwan yahay caqliga la siiyey balse waxa uu kuu sheegayaa ay kuu muujinayaan inuusan xayawaanka caqli ahaaan dhaamin.

Runtii dalkaan adiga iyo aniga ayaa iska leh qabka waa marka uu dalkeenna quudiyo kiisa baahan, daweeyo kiisa jirran, iska difaaca cadowgiisa, ee maaha marka adigoo bidar leh inta xukunka laguugu aamino aad timo ku beeratid  lacag cunug masaakiin ah caano ay ugu tabarrucday cid dal kale oo deggan dal uu mid adigoo kale hogaamiyaa taasna aad qab u taqaanno.

Dadka ku leh guri ayaa loo dhisayaa oo “ Mahadsanid Madaxweyne” ayaan sameneynaa  waa waalli cad. Farmajo xaq uma laha inuu Somaliya ku noolaado isagoon laga gooyn wixii uu galay, tan kale hantidii u dhacay ayuu rabaa inuu bangiyada soo dhexmarsiiyo oo uu soo dhaqo kadibna uu ka dhigo lacag xalaal ah.

Sidaa sadrteed, dhamaan xisaabaha la furay waa in aad loo eegaa loona gudbiyaa waddamada lacagaha laga soo dirayo si ay ula socdaan in lacagahaas ay yihiin lacag la rabo in lagu dhaqo nidaamka bangiyada.

Ugu dambeyn, MW Xasan sheekh shacbiga ka yeeli maayaan xalay dhalay ayaa laga noqonayaa gefafkii sida ula kaca shacbiga looga galay, waa in meel la saaraa oo loo qabsadaa cid kasta oo masuuliaydeeda dayacday min shacbi ilaa madaxdweyne, cid kasta oo kas u gashay.

Guusha kaliya ee la hubo ee uu Farmajo gaaray 5 tii sano waa isagoo timo ku beertay lacagtii shacbiga Xasan Sheekha uusan ka xil wareejin maadaama  hantidii ummadda lagu bixiyey. Haddana la rabo in guri loogu dhiso hantida shacbiga. Tolow ma Cabdirashiid Duqaa ninka timaha looga iibiyey Farmajo?