Khadija Ilkacas iyo Cabdihakim Macalim Axmed oo ooryo walaal Farmajo yihiin ayaa waxay guluf ugu jiraan inay qeyb ka noqdaan Gudoonnada labada aqal ee barlamanka. Runtii waa ayaan darro weyn marka Mursal iyo Khadiijo ay golaha shacbiga kuu soo fadhiistaan bal xildhibaanow bal suureyso sida ay u ekaan karto maalintaas oo uu Mursal ku yiraahdo Xildhibaan Fadhiiso, Kahdiijana ku tiraahdo aamus.
Khadiija Diirye waa naagta qabta in cawa iyo maalin ay Farmajo u shaqeyso oo codkeeda iyo afkeeda iyo qalinkeeda ugu hiilliso, Mursalna waaba ninkii isu dayey inuu laba sano u boobo.
Waxay khudbadeeda isku dayday inay isticmaasho haweenimada oo ay rabto inay xil ku hesho, iyadoo og meeshii ay dhigtay haweenimo, hooyanimo iyo gabarnimo oo isticmaashay inay ugu adeegto nidaam dalka burburiyey.
Xildhibaanada oo loo soo ururiyey sidii inay yihiin dad la khaldi karo oo aan taarikhahaas goob joog ka ahayn waa lagu khaldamayaa oo rag iyo haween teknolojiyda isticmaali kara oo baaris ka sameyn kara waxkasta inta aysan go’aan ka qaadan.
Farmajo iyo Kheyre ayaa laga hayaa “ Xildhibaanada badankood waa baahan yihin oo inta aysan Sharaf iyo qaranimo dareemin ayaan lacag falso ah ku kala iibsaneynaa”. Hadalkan waa ihaano oo ay Khasab tahay inay ay xildhibaanada ugu jawaabaan codkooda korna u qaadaan heesta caanka ee ah ee oraneysan “ Weligey Cad quureed marna qaadan maayoo qalanjada faraha dheer wax la qeybsan maayo” Hadraawi iyo Qalinle ahn.
Waxaa jiray wadahadal Farmajo iyo Kheyre u socday beryahan oo uu hormuud ka ahaa Fahad iyo Cabdihakiim Macalin oo u sharraxan gudoonka aqalka sare, qabana marwada kowaad walaasheed, taas oo ka dhigeysa in Kheyre yahay caruurahooda abtigood.
Haddaba yaan la soo joogsanin maalmo xanuun badan oo uu Mursal yahay gudoomiyaha Barlamanka, Khadiija tahay gudoomiye ku xigeen, Cabdixakiim Macalin yahay guddoomiye ku xigeena aqalka sare, Farmajo madaxdweyne, Kheyrana yahay RW. Allow nooga naxariiso maalintaas madow dhamaadkii bil ramadaan ayaa lagu jiraahe.
Marka Cabdixakiim waa dagaal yahan rabshoole ah oo aan sinnaba u aqoon maamul iyo hogaamin, haddii u soo baxana waxaa uu noqonayaa dhibaato weyn oo xataa golaha kala qeybsa. Waxaa la mid ah Khadiija oo Farmajo u aaminsan inuu yahay nabi ummadaan loo soo diray oo aysan sinaba go’aan xalaal ah uga qaadan Karin.
Dalkaan wuxuu u baahan guddoomiye deggan oo hogaamiya golaha shacbiga oo soo celiya sharaftii iyo awooddii barlamanka si ay u gutaan waajibaadkooda distuuriga ah. Madaxdweyne waayeel ah oo garasho dheer leh, sabar badan, dadka kala yaqaan, khibrad maamul dowladeed leh oo aan caadifi xaaladaha ku milma ahayn, dulqaad iyo faham siyaasi ah leh , oo aan ahay ku cusbeyn maamulka iyo hogaaminta waxkastana uu xafiiska kala weyn yahay , isla markaana aan ahayn dembiile dedban oo xaaladaha qaar ku soo mooday inaan si fiican loo fiirin.
Isku soo duub xildhibaanada maanta ee aqalkan 11aad waxaa hor yaalla imtixaan ay ku daadan doonaan oo keeni kara kacdoon shacbi iyo jamhuuriydda markale lunto ama Sharaf iyo cisi dowladnimo oo soo noqda dalkaanna ka saara xaaladaan adag.