Farmajo iyo Fahad oo Go’aansaday in RW Kheyre la hayo si magaca looga dilo, Hadhowna la tuuro

Reading Time: 2 minutes
Tirinta maalmaha uga harsan xafiiska Madaxweynaha Maxamed Farmaajo.
[sales_countdown_timer id=”salescountdowntimer”]

Waxaa soo baxaya in Kooxda uu hogaamiyo Fahad Yasiin ee ah qaaqlayaasha sare Cabdishakuur Cali Mire iyo Siyad Shire ay bilaabeen inay ku fidiyaan xildhibanada iyo saaxibada dhexdooda in RW kheyre uu ka muuqdo damac ah inuu u hanqaltaagayo kursiga Madaxdweynenimo ee dalka. Haddaba si loo fashiliyo waxaa la go’aansaday:

  1. In aan si sahal ah loo sii deyn oo muddo la sii hayo inuu sii ahaado RW dalka si uusan iskaga dhigin qof ceeb ka saliim ah oo ka soo baxay NN.
  2. In la soo saaro dhammaan dhiiqadii uu galay oo shacbiga lala wadaago wax alla wixii ceeb ah, dhac hantiyeed ah, qabiileysi ah ama xadgudub ah ee uu galay lana qarinayey in muddo ah.
  3. In aan la sii deyn isaga oo leh wax qiimo ah ee si uusan isu sharrixin.

MW Farmajo waxaa uu ogyahay inuusan soo noqon Karin oo ay fursadiisa ay ku dhimatay afartaan sano oo uu dalka la dagay, waxayna ku abuurtay inuusan markale xataa u babac dhigi Karin cabida ay arrintaan leedahay. Haddaba MW Farmaajo waxaa ku adkaatay:

  1. Inuu noqdo madaxweynihii ugu horreeyey ee uu R/Wasaarihiisa ka guuleysto, kuna dhacdo taariikhxumo aan ka harin.
  2. In uu arko kheyre oo madaxweyne ah kaas oo uu ogyahay qofka uu yahay iyo sida uu ahaa intii uu RW u ahaa.
  3. In uu kheyre ka guuleysto oo uu ka aarsado hab dhaqankii xumaa ee uu kala kulmay intii uu u shaqeynayey.

Haddaba RW kheyre waxaa uu ku jiraa laba datan mid dooro:

  1. Isaga oo og inuu hoos u sii dhici doona magaciisa inta uu kheyre la si joogo taas oo keeni doonta in maalinta uu ka tago uusan wax haybad ah aysan ku harin.
  2. Haddii uu hadda is casilo in kooxda Fahad iyo Farmajo ay bannaanka soo tubi doonaa wax alla wixii uu Kheyre halleeyey ama uu musuqmaasuqay intii RW ahaa.

Sidaas darted Kheyre waxaa uu ku jiraa rahaamad ay adaga tahay inuu ka baxo oo haddii uu ka baxo wuu dhaawacan yahay oo ceebeysan yahay, haddii uu joogana waa la isla dagayaa, taas oo ah tan uu Farmajo rabo.

Dhammaan hoteellada iyo xafiisyada dowladda waxaa la isla dhexmarayaa inay wareejinayaan qaaqlayaasha sare ee Farmajo iyo Fahad waa Cabdishakuur Gaaleri iyo Siyaad Shire in dhowaan la eryi doono RW kheyre kadib markii lagu arkay musuqmaasuq, eex iyo waxqabad xumo.

Dhinaca kale dadka Kheyre ku dhow waxay leeyihiin, isagana waxaa uu u fekeray si kale oo waxaa uu rabaa in doorashada la aado isagoo RW ah si uu awood ugu yeesho isticmaalka hantida dowladda, laamaha warbaahinta qaranka  iyo dhaqaalaha dalka si uu ugu iibsado codadka damiir laawaayaasha xildhibaanada noqon doona ama kuwa hadda joogaa haddii loo dheereyo oo codkooda iibka noqon doona sida dadka jirkooda iibsada. Waayo codka waa sharafta qofka xildhibaanka ah, kan iibsadaana ma dhaamo kuwa jirkooda ka ganacsado.