Farmajo Iyo Beyle oo laga Rabo inay Sheegaan Halka ay ku Baxday $1.7 bilyan.

Reading Time: 3 minutes

Tuug inta aadan tuug dhihin ayuu tuug ku yiraa waa oraah Somalida dhexdeeda caan ka ah loona soo qaato qof wixii uu halleynayey adiga kugu eedenaya. Waxana taas tusaale u ah Farmajo oo Musuqmaasuq hogaamiye kale ku eedeynaya.

Sida uu xeer hoosaadka Golaha Shacabka dhigayo, waa in xisaab-xirka sanadka, la meel-mariyo ugu dambeyn 31-ka bisha Maarso, hasa yeeshee, Xukuumadihii kala danbeeyay ee Farmaajo waxay go’aan satay inaan xisaab xer la sameyn si hantida maqan aan loo ogaan. Dowladda Farmajo waxay ku xisaabtameysay inay musuqmaasuqeeda dabooli karto marka ay soo noqoto.

Waxayna in muddo isku dayeysay in fallaarta Musuqmaasuqa loo jeediyo dhinaca dowladdii ka horreysay waxayn aku bixiyeen lacag aad u badan taas oo aad mooddo in qeyb ka mid ah lagu guleystay. Tusaale dadka qaar ayaa ku leh MW Xasan Sheekh waa qof musuqmaasuq sameeya, haddii aad tiraahdid ii sheeg hal shey aan soo qoree wuxuu leeyahay aniga ma ogi laakiin waa la sheegayey.

Muddo afar sano ah marka laga reebo sannadkii ka soo gudbay dowladdi Xasan Sheekh Farmajo dowladiisa wuxuu u diiday inay xisaab xer golaha shacbiga ku soo celiso. Golihiina waa afduubay waa maxay Musuqmaasuqa ka weyn in maanta aan la ogey £1.7 Bilyan meel ay ku baxday iyo si loo bixiyey.

Inkastoo Madaxweyniyii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, uu si weyn u gaday, argtida ah, inuu hagaajiyay dhaqaalaha dalka, si daah-furana u maamulay, haddana waxaa taas wax kama jiraan ka soo qaadaya, in ay jeebkiisa ku maqan tahay lacagtii ugu badneyd oo lagu tabo masuul xil ka soo qabtay Soomaaliya 

Farmaajo  wuxuu Madaxtooyada banneynayaa berri oo Isniin ah, isagoo aan wax xisaab-xir ah ku sameyn miisaaniyadihii, 2018, oo aheyd $275 milyan, 2019 oo ahayd $344 milyan, 2020 oo ay gaareysay $476 milyan iyo 2021 oo ahayd $671 milyan, taasoo la micno ah, inuu yahay musuulkii ugu musuqa iyo xoola boobka badnaa tariikhda Soomaaliya.

Isku geyn lacagtaas waa $1.766 billion, oo aan ilaa hadda la aqoon meel ay ku baxday, waxaana xusid mudan in xisaab-xirkii 2017, oo la ansixiyay dhamaadkii 2019, ay ka maqneyd 32 million iyo 700 kun doolar, taasoo buuq ka dhashay awgeed loo kala diray Guddigii Maaliyadda, Golaha Shacabka, si aan Xukuumadda loola xisaabtamin.

Farmaajo, wuxuu ku faanaa inuu la dagaallamay musuqa isla-markaana si daah-furan dib-u-habeyn ugu sameeyay Maaliyadda dalka, waa is-weydiine, haddii daah-furnaan jirtay maxaa diiday inuu xisaab-xir la yimaado? Shan sano iyo dheeraad kadib ugu danbeyn, berri ayaa Madaxtooyada u banneyn doonaa Madaxweynaha cusub ee Xasan Sheekh.

Farmaajo, wuxuu malaayiin dollar u adeegsaday soo saaridda Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka 11-aad ee JFS, wuxuu ahaa musharraxa lacagta ugu badan ku bixiyay doorashadii Madaxweynaha iyo laba maalmood ka hor oo uu abuuray kudlad xildhibaanno ah oo uu bixiyey Kudladdii Kharbudaadda, loona soo gaabiyey KK, lagaun abixiyey $6-8Milyan, halka, uu burburinta Maamullada, cabburinta shacabka, adeegsiga ciidanka iyo ku duulidda siyaasiyiinta uu galiyay malaayiin kale, lacagtaas waxa ay ka timid miisaaniyadihii Dowladda ee uu xisaab-xirkooda diiday.

Dhinaca kale,  waxaa abuurnaa shirkado badan oo madaxdtooyada lacago boorsooyin lagu wado joogto u geyn jiray marka laga reebo dowladda Qatar oo iyadana joogto lacag malaayiin ah oo aan shacbiga la siin ku bixisay sidii uu Farmajo dalka u kharribi lahaa.

Shirkadaha gudaha ee lacagaha keenii jiray waxaa ka mid ah shirkadda qaadka ee uu leeyahay Xasan Cabdullahi Farmajo oo Maxamed Cadullahi Farjo walaalkiis, Cali yare Cali uu saami weyn ku leeyahay, taas oo ah waxa ka keeni jiray caayda jogtada ah. Shirkaddaan oo qaadka loo xeray waxay ku keeni jirtay inuu ka yimaado Itoobiya, hasa yeshee waxaa ay ganacsatada iyo Madaxtooyadaba isla ogaayeen inuu qeyb weyn oo ka mid ah uu ahaa qaadkii Kenya oo dhanka Itoobiya laga soo gelin jiray. M. Farmajo waxaa ka soo geli jirtay $40-50 kun maaalintii muddo 4 sano ah taas oo ka dhigeysa £72 milyan inay qaadka oo kaliya uga iman jirtay Farmajo. Waxaa iyana lavago ka imanayeen shirkadaha Kalluunka ee Shinaha oo ay gacanta ku hayaan Wasiirka qorsheynta Jamaal M Xasan iyo gabadha oo ganacsigaas dartiis u guursaday ee Hodan

Sidoo kale waxaa ilaa maanta socota malaayiin dollar oo lagu bixiyo kicinta, dhiirrigelinta faldambiyeedyo uu aqrxis iyo isqarxin ka mid yihiin, kuwaas ugu dambeynta la hubo inay Farmajo galaafan doonaan marka madaxda hadda jogtaa ay sharciga iyo sareyntiisa adkeeyaan.

Isku soo duub Maqnaanta $1.7 Bilyan, Meeleynta shaqaale aan xafiisyada u qalmin, burburinta maamul goboleedayad iyo iibinta hantida qaranka ma jiraa musuqmaasuq ka weyn?  Misa waxaas ayaa Qab Qaran ah?

Qab Qaran waa qaran xor ah, daboola dhaamaan baahida Caafimaad, Bulsho, Dhaqaale, Garsoor iyo Amaanka dadkiisa oo yasan ragagixiso candhuureyn caasimadiisa, kaas oo markii uu meel ku hubsado caalamka si Sharaf leh wax ula qeybsada oo dunida soo dhinac fadhiista marka uu soo hagaajisto gurigiisa.