Farmajo Is Casil, Fahadow Iska Tag, Xasan Kheyrow Naga Joog.

Reading Time: 3 minutes

Dilka Xildhibaanada Amina Maxamed Cabdi waa inuu noqdaa midkii Somaliya u keeni lahaa caddaalad iyo taariikhda jamhuuriyaddaan 60 jirka ahay  kabilaabo masuuliyiin loo maxkamadeeyo dilal siyaasadeed.

Amina ahn waxay ahayd  gabar u dagaallameysay xuquuda bani’aadamka gaar ahaan dilka qorshaysan ee qarsan ee loo geystay Ikraan Tahliil iyo kuwa kaloo badan sida Almaas Elamn iwm, laakiin si loo aamusiiyo iyadii ayaa xalay dilay.

Dilkeeda waxaa uu yimid kadib markii la awoodi waayey in kursigeeda loo boobo qofka gudaha lama galaay joogay ee dilkeeda raadka weyn ku leh, Cumar Faaruuq.

Dilka Amina waxaa ka soo shaqeeyeey Villa Somaliya oo uu xataa Agaasimaha Madaxtooyada Farmajo oo ah Cabdinuur Maxamed  Axmed uu soo qoro “ Caawa waa habeenkii iigu farxad badnaa….” Waa runtiisa waa habeenkii ugu farxadda badnaa maadaama ay ku guuleysteen isaga iyo madaxdiisa Fahad iyo Farmajo inay dilaan qof la hubo inay caddaaladda horkeeni lahayd haddii ay xasaanaddeeda dib u hesho oo ay soo gasho barlamanka 11aad.

Haddaba Faramajo, Fahad iyop Kheyre oo uu gacamahooda ka da’ayo dhiiggii Ikran Tahliil iyo in badan oo  ay ka mid yihiin kuwii Baydhabo lagu xasuuqay, kuwii 14kii Oktober, dhaawacyadii mahadhada ahaa ee Qalbi dhagax oo aysan jirin dhammaantood cid ka hadashay xataa inay xoog iyo xoolo ku bixiyaan sidii loo tirtiri lahaa raadadkooda mooyee.

Farmajo, Fahad iyo Cumar Faaruuq waxaa u dheer dilka Xil. Amina si afka looga qabto caddaallada, loona damiyo shumacii ay shidday, kaas oo la hubo inuu soo ifin doono maanta ama maalin qiyaamo kuwii dhibtaan geystay.

Dadka qaar ayaa ku doodaya Xasan Kheyre hadda waa mucaarid oo kama tirsana NN, laakiin weligiin ma aragteen isaga ka hadlay wixii dhacay ee uu isaga amaray ama uu  goobjoog iyo xubin firfircoon ka ahaa fulintooda. Xasuuqii Baydhabo Kheyre waa joogay, Dhiibistii Qalbi dhagax Kheyre waa joogay wuxuuna ahaa xubin firfircoon oo kooxda ka mid ah, Dilkii Ikraan wuu joogay wuxuuna xubin firfircoon iyo wax badan oo kale. Sidaas darted ma jirto sabab hadda looga soocaa Farmajo iyo Fahad hddii aysan qabiil ahayn. Nin ku dilaya walaal iyo qabiil toona ma kuu noqon karo dadka rabaa inay difaacaan taas ha ogaadaan,weliba haddii uu ahaan lahaa ruux wanaagsan ama daacad u ah qarankan sida RW Rooble , Farmajo iyo Fahad mar hore ayaa la iska qaban lahaa ee isagaa dadka u qariyey dambiyadana badan la galay.

Farmajo iyo Fahad maanta waxaa la gudboon inay aadaan meel ay sharciga kaga dhuuman karaan waayo xataa haddii uu Farmajo soo noqdo wuxuu marayaa meeshii uu maray madaxweynihii Kaligii taliyaha ahaa oo ay ahayd in calanka lagu duubo, balse duur cidlaa iyo dal shisheeye ku dhintay.

Somalida waa inay baraarugtaa oo ay ka kortaa nin jecleysi ama qabiil qof ku fogeynta.

Farmajo iyo Fahad:

1. Ujeedadooda waa Inaan Doorasho la qaban oo uu iska joogo ama uu dagaal Sokeeye dhaco si loo illoobo gafafka tirabeelka ah iyo dhibaatooyinka xanuunka leh ee uu geystay uguna dmabeyey  khaarijinta laba gabdhood oo berimageydo ah, haddana danteenna ka shaqeynayey oo loo dilay maxaad wanaag u sameyneysaan.

2. Ujeedadooda waa In la cabsiiyo, la afduubo ilmahaooda ama xaasankooda, la dilo xildhibaanada soo baxay si aysan dalkaan dhibaatada ugu saarin oo ugu codeeyaan Farmajo.

3. Ujeedadooda waa In la khaarijiyo madaxda la isleeyahay umadda waa hogaamin karaan oo waxay soo celin karaan qaran shuruuc leh, hay’ado shaqooda guta, ciidan shabaab ka saara dalka inta aysan sida Talibaan dalka wada qabsan, inkastoo haddii ay Teendhadii Xalane ku taal gubeen shalay waxa u dhiman ayba iska yar yihiin.

4. Ujeedadooda waa In dagaal sokeeye la abaabubulo oo lagu duulo dad la hubo inay iska cabin karaan Farmajo iyo Fahad haddii ay runta timaado halkaasna uu a bilowdo dagaal lagu hoobto mar kale.

MOL waxay ka digeysay in Farmajo uu heerkaan iyo weliba ka sii hoos uu dalkaan gaarsiin doono muddadii uu joogay oo dhan. Dadka qaar inkastoo hadda ay noo hambalyeynayaan waxay noo haysteen mucaarid ama mucaarid la jir. Waa idiin caddeyneynaa midna ma nihin waxaana taageernaa danta umadda Somaliyeed oo kaliya. Weli ma jiro musharrax ama xildhibaan aan taageernay musharraxnimadiisa waayo dalka ayaa nooga muuhiimsan qof waliba oo yimaada.