Farmajo: Cabdrashiid Janan iyo Mukhtar Roobow Miyaa Qaranka u Siman?

Reading Time: 3 minutes

Dad badan ayaan weli fahmin Fikirka qabiileysan ee weli jufeysan ee dalka uu ka wado Farmajo. Sida cad Farmajo weligii ka kori maayo Gedo iyo beesha uu ka dhashay ee Mareexaan, wuxuuna xataa u diyaar yahay inuu dalka khater u geliyo hal qof oo beeshaas.

Waxaa si dhug leg u fiirisaa sababaha qabiileysan ee Keenay in Kenya xiriirkeeda laga dhigo mid aan deganeyn o maalinna uu sheego Farmajo  inuu gooyey, maalina uu sheego inuu soo celiyey, iyadoon wax sabab caqliyeed, mid ammaan iyo mid dibolomasiyadeed aan loo eegin marba hadii will Marrexaan lagu raalli gelinayo.

Dhinaca ke kale, Somalida waa dad Muslim ah mana aha abaal laawayaal,  Kenya waxa deggan malaayiin Somaliyeed oo ku haysta nolol iyo horumar siyaasadeed, sidoo kale waxay deggan qaxooti Somaliyeed oo sidii walaalo ahaan loo soo dhaweeyey, hasa yeeshee Farmajo waxaa kala qiima badan intaas:

  1. Cabdirashiid Janan oo ah nin ay qaraabo yihiin oo qarankan ku soo duulay, laayey dad Somaliyeed kuwa kala khater geiyey noloshooda, kadibna khadiifad Guduudan loo fideyey lana siiyey Basaboor Diplomasiyadeed oo la yiri isaga soo mayr diiftii ku gaartay. Janan hadda waxaa uu dalxiis iyo daansha daanshood ku joogaa dalka Turkiga waxaana loo ballanqaday in haddii uu Farmajo soo noqdo-Alla nooma kasee- la siin doono Jago muhiim ah oo uu kaga aarsado Maamulka jubaland oo khaladkiisa horjoogsaday.
  2. Sidoo kale, Xasan Cabdullahi Farmajo oo Kenya kula dhagay in Qaadka looga joojiyo ama qandaraaska isaga la siiyo. Kenyan markii ay diideen waxaa uu u tagay walaalkiis Maxamed Cabdullahi Farmajo villada ku raaxeysanaya, Farmajana isagoo u aaraya walaalkiis waxaa uu xiriirka u jaray Kenya maadaama ay Xasan Farmajo ka diiday inat qandaraaska u wareejiso. Kadib Xasan waxaa  si dowli ah loola xiriirsiiyey dalka Itoobiya oo la yiri qaadka qandaraaskiisan waxaad noo siisan Shirkad Hebel oo uu leeyahay Xasan Farmajo, waxaana weliba loog daray  si diyaaradda qaadka keentaa aysan u faaruq-tumin maalin walba markey noqoneyso oo shidaaluusan idinkaga khasaarin,  waxaan idii soo saareynaa Kaluun-Daroogo ku badalo Daawo- oo dayuuraddii qaadka keentay waxay Xamar ka soo qaadeysaa Kaluunka oo xataa Khasab looga soo qaadi doono ganacsata sida dhibka leh ku soo jillaabtay haddey diidaanna baddan laga celinayo subaxda xigtaaa.

Haddaba Somaliyow is weydii waxa u dhaxeeya Cabdirashiid Janan iyo Sh Mukhtaar Roobow oo aan ka ahayn midna inuu Marreexaan yahay midna uu Digil iyo Mirifle yahay? In janan oo si cad dad u laayey, jeel ka baxsaday uu maanta haysto lacag kumanaan dooler ah oo bangiga  dhexe laga siiyey kuna raaxeysanya Turkiga iyo Roobow oo jeelka caanfiimaad ahaan ugu liita oo waliba laga deyrinayo xaaladiisa. Kuma doodeyno in Roobow yahay dembiile iyo dembilaawe waxay u taallaa maxkamadaha.

Dalkaan oo afar sano oo Farrmajo iyo kheyrkiis ku soo noqdaan qof walba oo aan Mareexaan ahayn sida Roboow ayaa u madlan ee ku talagal. Haddaad maanta is leedahay waad ka fogtahay markey timaado waxba kama qaban kartid ee hadda ka hortag oo gacan ka geyso in Farmajo caddaaladda la horkeeno kuwa ugu kalmeeyey inuu dalka halkaan keenana cashar ha loo dhigo oo yaan loo eegin qabiilkooda.

Farmajo mar la weydiiyey War maxaad Kanna u sii deysay oo lacag iyo adduun u siisay, kanna aad Jeelka ugu haysataa ma Xigtanimadaa? Odayga oo aan ka warwareegin ayaa laga soo weriyey “ Cabdirashiid iyo Roobow uma sinnaan karaan  Qaranka Inta aan anigu joogo” Tolow maxaa Trump u galay, xumaan aan lala baqeyn.

Ogow akhriste Muktaar Roobow wuxuu isku soo dhiibay qadiyad qaran halka Cabdirashiid Janan isku dhiibay qadiyad qabiil,  labadoodaba waxay isku yihiin ex reer Alta Juba. Hase ahaatee waxay ku kala duwan yihiin qadiyada, wadaniyada iyo arrimaha afkaarta dowliga. Nin waa nin qaran oo gartay in Shabaab Khaldan yahay , nina waa adeerkiis si qabiili ah u hoosgalay, laguna abaalmariyey maal iyo mansab uu sugaayo.