Waxa isa soo taraya khilaafka ka dhaxeeya MD Farmaajio iyo RW Xassan Kheyre ee la xiriira safarka Kheyre ee wadanka Imaaraadka Carabta. MD Farmaajo ayaa ka soo horjeeda safarka Kheyre una arko mid looga soo horjeedo siyaasadiisa dhex-dhexaadnimada ah.
MD Farmaajo ayaa shaagay in uusan Xassan Kheyre fasax ka haysanin dowlada Soomaaliya iyo xafiiskiisa in uu u safro dalka imaraadka. Madaxaweynaha ayaa intaas ku daray hadii uu goosto Kheyre in uu qaadaco taladiisa uusan safarkaas wakiil uga ahayn dowlada Soomaaliya.
Is qab-qabsiga ka dhashay safarka Imaaraadka ayaa waxa uu astaan u yahay kalsooni daradda ka dhaxeeysa labada mas’uul. Waxaana nasiib xumo ah in safarka Dowlada Imaaradka dhaliyo khilaaf noocas ah madaama imaaradku ay ka mid yihiijn wadamada sida tooska ah uga qayb qaatay dib us oo celinta qaranimda Soomaaliyeed.