MW Farmaajo oo habeen hore la kulmay dad siyaasiyiin oo ka soo jeeda garabka beesha Hawiye ee ka soo horjeeday hogaankiisa ayuu u sheegay in dagaal gardaro ah lagu qaaday isaga iyo dowladiisa, kaas oo markii danbana ku soo dhaamaday fashil.
Farmaajo ayaa ku faanay in uu dalka uu wali isaga madaxweyne ka yahay, codsigii sanadka dheeraad ahaa ee baarlamaanka iyo Gudiga doorashooyinkana ee laga diiday uu hadana noqday mid lama huraan ah raalina laga yahay.
“Sanad dheeraad ah oo doorasho lagu galo ogolaado waad iga diideen, hadana iyada oo aan baryo ahaynin oo xaqiiqdii qasab tahay ayaad ogolaateeen in lagu daro hogaankeyga, saw maha in aad umadda Soomaaliyeed raali galin siisaa”, ayuu yiri Farmaajo oo ku jeesjeesaya siyaasiyiintii uu la hadlayay.
Farmaajo ayaa u muuqda mid si farsameysan uga guulaystay siyaasiyiintii ay hogaanka u hayeen madaxdii hore kuwaas oo dagaal ku qaaday Farmaajo si uusan waqti dheeraad ah ugu darsan. Hadaba waxa la yaab ah in MW Farmaajo uu wali fadhiyo Villa Soomaaliya, iyada oo ayan jirin wax cadaadis ah ee saaran hoogaankiisa.
Sida muuqata doorashada ayaa noqon doonta mid dib weyn ku dhacdo, taas oo aan shaki ku jirin in Farmaajo uu isagu mas’uul ka yahay dib u dhacaas. Su’aashu waxa ay tahay oo maxaa kacdoon ciidan iyo mid shacab loo sameeyay mar hadii Farmaajo uu wali ku adkeysanayo in yahay madaxweynaha sharciga ah shan bilood ka dib markii uu waqtigiisii dhamaaday? Sow lama oran markii shanaad ayuu Farmaajo siyaasiyiinta mucaraadka ah, uga adkaaday siyaasadda iyo hogaanka dalka?!