Farmaajo: “qolooyinka xasaasiyada ka muijiyay xayiraadda cirka waa iska qanceen”

Reading Time: 2 minutes

Farmaajo oo kulamo  kula yeeshay dublamaasiyiin ka socota beesha caalamka magaalada New York ayaa lagu soo hadal qaaday qalaalasaha ka dhashay xayiraadii  dhanka diyaaradaha ee lagu soo rogay madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in arintaa ay iska xalinsantay.

Farmaajo ayaa u sheegay beesha caalamka ee dareenka ka muujisay xayiraada madaxdii hore in ayan jirin waxa  dhibaato ah oo ka dhashay ama ka dhalan doona xayiradaas sharciga ah.

“Dowlada mas’uuliyad ayaa ka saaran amaanka dalka, go’aanka aan qaadanayna waa mid shacabka Soomaaliyeed ku taageereen Soomaaliya”. Ayuu yiri Farmaajo oo ay ka muuqato kalsooni. Farmaajo ayaa tusaale u soo qaatay shaqsiyaad kula soo xariiray qadka taleefanka oo ku dhuurigaliyay in uu ku adkeeysto ga’aanka uu xayiraada ugu soo rogay madaxweynayaashii hore.

Isaga oo taas tus’aale u soo qaadanayo ayuu  yiri “ madaxda beelaha degan magaalada Muqadisho oo uu u horeeyo Ra’iisal Wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi ayaa daqiiqado ka hor ila soo hadlay iyaga oo iigu hambalyeeyay go’aanka aan ka qaadanay safarka madaweynayaashii hore si qaranimada dalka loo ilaaliyo”.

Cali Maxamed Gheedi, Salaad Cali Jeelle iyo xubno ka mida dowlada ayaa  labo cesho ka hor qadka teleefanka ku wacay Farmaajo iyaga oo ugu hambalyeeyay xayiraada ay ku soo rogeen Madaxweynayaashii hore. Waxa ay sidoo kale u sheegeen Farmaajo in ay hadalkaas ay la qabaan Ugaaska Abgaal Maxamuud Cali Ugaas iyo Imaan Maxamed Yusuf.

Madaxweyne Farmaajo oo la hadlaya qaar ka mida dublamaasiyiintaas ayaa yiri “30 sano ayaa Soomaaliya dowlad la’aan ka jirtay, wali waxaa jira  mas’uuliyiin ayan maskaxdooda ka bixin is bar-baryaacii keenay buruburkii dalka ka dhacay.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa rumaysan in qalalaasaha ka dhashay xayiraada madaxweynayaashii hore ay tahay mid aan dhaafaynin mudo shan cesho ah ka dibna waa ay iska dhaamanaysaa.

Sida MW Farmaajo sheegay waxa hada muuqata in qalalaasihii ka dhashay xayiradii madaxdii hore ay iska soo afjarantay, iyada oo aan dalka ka abuurin qalalaase siyaasadeed oo saameeyay hogaanka Farmaajo.