Warar Goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo xilkii ka qaaday taliyihii ilaalada ciidamada Madaxtooyadda iyo ku xigeenkiisii.
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa magacaabay taliyaha cusub ee ciidamada madaxtooyadda sidaas waxaa sheegaya warar lagu kalsoon yahay.
Madaxweyne Farmaajo ayaa xilka ka qaaday Taliyihii ciidamada Madaxtooyadda Gaashaanle Sare Axmed Macalin Cali Afcadeey iyo ku xigeenkiisii Gashaanle dhexe Cumar C/Raxmaan
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya, in madaxweyne Farmaajo uu taliyaha cusub ee ciidamada ilaalada madaxtooyadda u magacaabay sargaal lagu magacaabo Gaashaanle Odawaa Yuusuf Raage.
Sababta keentay xilka qaadistan ayaa la sheegay in saraakiisha ciidamada madaxtooyadda ay diideen amarkii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in laga hortago ciidamadii Jawaari uu ku qabsaday Xarunta Golaha Shacabka.
Wararka ayaa sidoo kale, sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu xilka ka qaadayo saraakiil kale oo dowlada ka tirsan.